Soomaaliya ”heshiiska Imaaraadka ee taba-barka ciidan wuxuu dhamaaday 2 sano ka hor”

Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa cirka isku soo shareerayo Khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeyo dowladda Soomaaliya iyo dalka Imaaraadka Carabta kadib faragelin qaawan oo ay ku sameysay jiritaanka iyo midnimada Soomaaliya.

Khilaafkaan oo markii hore kasoo bilowday khilaafka Siyaasadeed ee dhexmaray dowladaha Carabta ayaa wuxuu soo gaaray illaa heer ay dowladda Imaaraadka Carabta lacago xad dhaaf ah soo geliso dalka Soomaaliya si ay isaga hor keento kooxaha isku khilaafka Siyaasadda.

Hadda Sida ay qortay wakaaladda wararka Reuters mas’uul ka tirsan wasaaradda arrimaha dibbadda Soomaaliya ayaa sheegay inuu sanado ka hor uu dhamaaday heshiiskii ay dawlada Soomaaliya la gashay dhigeeda Imaaraatka ee ku saabsana tababarka ciidamada Soomaaliya.

Mas’uulkaan oo ay wakaaladdu xusin magaciisa iyo jagada uu wasaaradda ka hayo ayaa sheegay in heshiiskii ay dawlada Imaaraatku ku tababaraysay ciidamada Soomaaliya uu ekaa sanadkii 2016 sidaa darteed ay jirin sabab ay ku sii socoto hawsha tababarka ciidamada Soomaaliya.

“Heshiiskii aan kula jirnay Imaaraatka ee ay ciidamada noogu tababarayeen waxaa uu dhamaaday sanadkii 2016 sidaa darteed siima socon karo” ayaa lagu yiri warka ay daabacday wakaaladda wararka Reuters ee ay kasoo xigatay mas’uul ka tirsan wasaaradda arrimaha dibbadda Soomaaliya.

Dawlada Imaaraatka oo bilowday tababarka ciidamada Soomaaliya sanadkii 2014 ayaa dawlada Soomaaliya u tababartay boqolaal askari.

Wasiirka gaashaandhiga ayaa shalay sheegay in dawladu la wareegayso ciidamada Imaaraatku tababaraan ee Muqdisho jooga sida lagu qoray wakaaladda wararka Soomaaliyeed ee  SONNA.

Maanta ayaa lagu wadaa in Ciidamada Imaaraadka ay gacanta ku heysay ay la wareegto dowladda Soomaaliya kadib khilafka markii uu meel xun garay.

Dowladda Soomaaliya ayaa weli gacanta ku hesto ku dhawaad 10 Malyan oo ay Imaaraadka si sharci darro ah uga soo dajisay Magaalada Muqdisho.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa Africa ka wado ololihii ugu dambeeyey oo ay kula wareegeyso meelaha ugu muhiimsan Sida Dakadaha iyo garoomada diyaaradaha, waxaana xusid mudan in dhawaan laga mamnuucay dalka Jabuuti kadib markii lagu eedeeyey inay kasoo bixi weysay heshiisyadii la galay.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com