Jawaari oo si rasmi ah is casilaadiisa uga hor dhawaaqay Baarlamaanka (Akhriso khudbadiisa oo xasaasi aheyd)

Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha xilka ka sii dagaya ee golaha shacabka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa jeediyay Khudbaddii ugu dambeysay ee isaga oo guddoomiye ah uu kor jeediyo goala shacabka.

Khudbadda Guddoomiye Jawaari ayaa waxa aka mid ahaa halka uu marayo qorshaha dhismaha Golaha shacabka isaga oo khudbaddiisa ku sheegay in labo sano gudahood uu qorshuhu yahay in uu ku dhamaado dhismahaas.

Jawaari ayaa si rasmi ah xubnaha Golaha shacabka hortooda uga shaaciyay in uu is casilay,waxaana uu ku sheegay in uu isaga tanaasulay oo uu doortay talada shacabka Soomaaliyeed.

Jawaari ayaa khubaddiisa uga hadlay qodobbo kala duwan,marxaladaha uu soo maray dalka iyo halka ay tahay in loo jiheeyo.