Muudeey oo shir guddoominayo kulanka BF iyo Jawaari oo kasoo muuqday  safka hore

Muqdisho (Caasimadda Online) – Fadhigii Baarlamaanka Soomaaliya ayaa goor dhoweyd ka furmay Xarunta Baarlamaanka magaalada Muqdisho, iyadoo uu shir guddoonka la wareegay Guddoomiye ku xigeenka koowaad.

C/weli Muudey ayaa ugu horeyntii la wareegay Guddoonka Baarlamanka, waxaana gudodomiyaha is-casilay ee Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) uu ka soo muuqay fadhiga safka hore ee marti sharafta Baarlamaanka loogu talogalay.

Arrintan ayaa ka hor imaaneysa heshiis laga gaaray arrintan oo Guddoomiye Jawaari loogu ogolaaday inuu guddoomiyo qeybta hore ee kulanka, waxaana taas lagu bedelay in guddoominta fadhiga uu wado C/weli Muudey oo ku adkeystay arritan.

Kulanka oo hadda furmay ayaa la wada sugayaa khudbadda Guddoomiyaha xilka baneynaya uu ka jeedin doono Golaha.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com