Dood ka taagan cidda u tartami karta kursiga uu banayanayo Jawaari

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ma jiro Qodob dastuuri ah oo Kahor istaagaya Xildhibaanada 275-Ka ah ee Golaha Shacabka iney utartamaan Gudoomiyaha Baarlamaanka oo uu wixii maanta ka danbeeya toos uga dagayo Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Jawaari Kursigan waxa uu ku fadhiyay wax ka badan 5 Sano iyo Bilooyin, Waxa uu soo bilaabay Hogaaminta Baarlamaanka Sanadii 2012,.

Waxaa jira hardan bilow ah oo ku qotoma in Kursiga lagu koobo oo kaliya in ay u tartamaan beesha uu Jawaari ka soo jeedo, Waxaase  baraha Bulshada ka socda Boorar ay ku xardhanyihiin Sawirrada Musharixiin aan aheyn kuwii la filayey in ay xilkan isu sharraxaan.

Siyaasiyiinta qaar iyo xubno xilal ka haya dalka ayaa dadaal iyana ugu jiro inuu wax iska badalo Habka awood qeybsiga beelaha ee Kuraasta ugu sareysa dalka.

Dadka aan sida rasmiga ah u sheegin usharxanimadooda balse baraha bulshada agu baahiyey waxaa kamid ah Xildhibaan C/Qaadir Cosoble Cali, Cosoble haddii ay dhacdo inuu kursigaa u tartamo  kuna guuleysto, waxa suuragal ah in uu xilka waayo Wasiirka Koowaad ee Xukuumada Somaliya.

Xildhibaan Maxamuud Macalin Yaxye waa Gudoomiyaha Guddiga Xeer Hoosaadka ee Golaha Shacabka, Wuxuuna ka midyahay dadka uu kujirro damaca ah armaad kursigan Banaan ku fariisataa, Wuxuu sheegayaa in Beeshii kursigan ku fadhiday uun ay ubanaantahay utartamideeda, hadii taas laga weeciyana ay tahay in la sameeyo Xiisado siyaasadeed iyo dagaal hor leh.

Xildhibaan Kale ayaa isaguna qaba in Xilalka Gudoomiyaha, Gudoomiye Kuxigeenka Koowaad iyo Kan Labaadba hadey banaanyihiin ay utartami karaan Qofkii doono, Waloow Tusaalooyin buuran aanu bixin, hadana wuxuu umuuqdaa mid difaacaya iney Beelaha dhan utartami karaan Kursigan Hada Banaan.

Senetar Mustaf Maxamed Qodax,ayaa sheegaya in Banaanshaha kursigii Jawaari ay Xiiso cusub ku soo kordhisay Siyaasada oo xiligan damac uu soo Galay beelo aan marki hore hamin Jirin iney tartamaan.

Senator Qodox ayaa sidoo kale sheegaya in hada Kuraasta Madaxweynaha iyo Kan Ra’iisul Wasaaaraha oo sid auu leeyahay beelo gaara uxirnaa ay suura gal tahay iney isbadalaan.

Ninka Kursigan maanta ka sii dagaya ee Jawaari oo Mooshin laga keenay darteed isu casilay ayaa isaguba aanu jirin qodob ka reebaya inuu utartamo Gudoomiyenimada Golaha Shacabka.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa ayaa Isagu ugu danbeyn ka hadlay Dooda la xiriirta Cida ay tahay iney utartanto Kursigan Gudoonka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka.

Xigasho: Radio Mustaqbal

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com