Sawirro: Maxaa kala soctaa qorshaha uu safiirka Ethiopia u joogo Baydhaba?

Baydhaba (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG ah ee Koonfur Galbeed gaaray Danjiraha dowlada Ethiopia u fadhiya Somalia Jamaaludiin Mustafa Cumar.

Jamaaludiin Mustafa Cumar, ayaa magaalada Baydhabo ku sugan maalintii Seddexaad, waxaana la sheegayaa in halkaa uu ku qabanaayo shirar gaar gaar ah.

Shirarka uu Jamaaludiin Mustafa Cumar ku qabanaayo magaalada Baydhabo ayaa waxa uu xoogiisa la xiriira dib usoo nooleynta xiriirka ganacsi ee Ethiopia kala dhexeeya Somalia, gaar ahaan maamulka Koonfur Galbeed.

Booqashada Jamaaludiin Mustafa Cumar, ayaa sidoo kale la xiriirta sida loo hirgelin lahaa wado isu xirto Degmooyinka Baraawe iyo Doolow.

Jamaaludiin Mustafa Cumar, ayaa maalinimadii shalay oo arbaco aheyd magaalada Baydhabo kula kulmay ganacsatada deegaanada maamulka Koonfur Galbeed, Wasiirada Amniga iyo Waxbarashada.

Jamaaludiin Mustafa Cumar, ayaa sheegay in ka Ethiopia ahaan aanu ka maarmeynin in xiriir wanaagsan ay la sameeyan Somalia, waxa uuna amaanay Ganacsiga Somalia.

Booqashada Jamaaludiin Mustafa Cumar, oo ku eg muddo Shan cisho ah, ayaa waxaa lagu xoojinayaa xiriirka Somalia iyo Ethiopia, waxa ayna tani muujineysaa in Dowlada Ethiopia ay ku howlan tahay dib u wanaajinta xiriirka Somalia.