Sawirro: Muqdisho oo marti galineysa shirka 7-aad ee suufiyada caalamka

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia ka furmaaya Shirka 7-aad ee Suufiyada Caalamka, kaa oo ay ka qeybgalayaan ku dhawaad 11 dal oo heer caalami ah.

Dalalka ka qeybgalaaya shirkaan ayaa casuumaad ka helay Jaamacadda Imaamu-shaafici oo ku taalla Magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Hodan Xaafada Siigaale.

Shirkaan ayaa lagu wadaa inuu furmo maanta oo Khamiis ah,waxaana sidoo kale marti ku ah mas’uuliyiin ka socta dowlada Federaalka ah ee Somalia.

Shirkaan ayaa noqonaya kii ugu horeeyey oo ay qabaneyso Jamaacadan waxaana shaqsiyaadka martida ah ku jira culimo, Aqoonyahano iyo ilaa heer Caalami ah oo ka kala socda daafaha caalamka.

Sidoo kale, Wafdigan waxaa Garoonka Aadan Cadde kuso dhaweeyey Khaliif C/qaadir Macalin Nuur Wasiiru dawlaha Madaxtooyada oo ah aas-aasaha jaamacadda Imaamu-shaafici.

Si kastaba ha ahaatee, Shirka 7-aad ee Suufiyada Caalamka ayaa noqonaaya mid albaabada u fura shirarka xiga ee caalamka kaa oo suuragal ah in mararka xiga lagu qabto Muqdisho.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com