Fadeexad: Xafiika QM ee Somalia oo musuq maasuqay $51.3 milyan

Muqdisho (Caasimadda Online) – Musuq maasuqa Qaramada Midoobe ka dhex jiro ayaa sii balaraanayo mana kusii jiro midka ay hay’adaha Qaramada Midoobe ka wadaan gudaha Soomaaliya.

Xafiiska Qaramada Midoobe Soomaaliya ku leedahay ayaa la sheegay inay musuq maasuqeen lacago $51.3M oo lagu cunnay magaca Soomaaliya ayadoo lagu andacoonayo adeegyo gaar ah in dalkaan loo qabanayo.

Xafiiska UN Support Office in Somalia in Somalia (UNSOS) ayay ku biyo shubatay inay magaca Soomaaliya lacago badan ku cuneyn ayagoo sheegayaan adeegyo kala duwan qabanayaan.

Fadeexadan banaanka ay soo dhigtay Inner City Press ayaa kusoo beegmeyso xili dhawaan xoghayaha guud ee qaramada midoobe Antonio Guterres sheegay inaan loo dul qaadan doonin shaqaalaha Qaramada Midoobe ee lagu soo eedeeyo inay galmo iyo musuq musaaq ku kacaan.

Baaritaan gaar ah oo ay Qaramada Midoobe sameysay ayaa lagu ogaaday sidoo kale inay jiraan xisaab lacageed oo dayacaad ku dheehan gudaha Soomaaliya loogu adeegsaday.

Lacagaha ay qaramada midoobe kaalmo ahaan Soomaaliya ugu tala gashay in arimaha, siyaasada, nabad galyada, dhaqanka iyo hormarka wax looga qabto ayaa lagu takrifilay ayadoo shaqaalaha xafiiska Qaramada Midoobe SOOMAALIYA maamulaan musuq maasuqeen lacagtaan danno gaar ahna ku qabsadeen.

Baaritaanka xisaabaha lacagaha ay Qaramada midoobe ku sameysay xafiiska UNSOS waxaa hogaaminayay Amadu Kamara waxayna isaga kooxdiisa banaanka soo dhigeen lacago $51.3 million oo si aan loogu tala galin loo adeegsaday sidoo kalena aysan caddeyn qaabkii lacagahaas lagu bixiyay.

Waxaa warbixintaan lagu sheegay heshiiska qandaraaska cunnada loogu keenayo shaqaalaha UNSOS dhanka diyaaradaha qarashaadka ku baxaayo inuu labo lab ka badan yahay ra’sumaalka guud ee Qaramada Midoobe safarada Dibbada u adeegsato.

Warbixintaan sidoo kale waxaa lagu sheegay in UNSOS sharaxaad dheeri ah ka bixin weysay markii lagu helay lacagaha $51.3-milyan gaarayaan ee xafiiskeeda lagu musuq maasuqay.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com