Imaaraadka: Xukuumadda Somalia waxay abuuraysaa ‘xiisad aan loo baahneyn’

ABU DHABI (Caasimada Online) – Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka Carabta Anwar Gargash, ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay abuurtay xiisad aan loo baahneyn kadib markii ay qabatay Axadii lasoo dhaafay ay qabatey diyaarad rayid ah iyo lacag loogu tala galay Ciidamada Soomaaliya.

“Xukuumadda hadda jirta ee Soomaaliya waxay dhowr jeer ku xadgudubatay heshiisyadii ay la gashay Imaaraadka, waxay abuurtay xiisado aan loo baahneyn oo saaxiib iyo xulufo ka taageeray amniga iyo xasilloonida xilliyadii adkaa ee dalka burburka ku jiray,” ayuu Gargash ku yiri qoraal uu soo dhigay Boggiisa Twitter-ka.

Anwar Gargash ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka inay adeegsato xikmad iyo caqli ay ku guuleysan karto, islamarkaana ay joojiso siyaasadda xiisad abaarka ku salaysan.

Imaaraadka ayaa xaqiijisay in Diyaaraddii lagu qabtey Axadii Garoonka Aadan Cadde ay wadey lacat loogu tala galay in lagu bixiyo Mushaarka Ciidamada Soomaaliya oo gaaraysa $.9.6 Million [Sagaal Milyan iyo Lix boqol oo Kun].

Wakaaladda Wararka Imaaraadka ee WAM ayaa sheegtay in 47 Askari oo katirsan Ciidamada qalabka sida ee Imaaraadka, oo la socday Diyaaradda qori lagu qabtey kadibna lagula kacay jirdil iyo xadgudub.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Bahrain Khalid Bin Axmed ayaa sidoo kale ka hadlay Xiisadda taagan iyo falkii is-hortaagga loogu sameeyay lacagtii ku socotay Ciidamada Soomaaliya, isagoo cambaareeyay hab-dhaqanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

“Dowladda Imaaraadka waxay qabatay shirar dhowr ah oo lagu taageerayo Soomaaliya, iyadoo uu joogay Madaxweynaha Soomaaliya. Waxaa laga caawiyay la dagaalanka burcad-badeeda, waxaa loogu deeqay lacag, hub iyo daawo, “ayuu ku yiri Khalid Bin Axmed Boggiisa Twitter-ka.

Wasiirka ayaa sheegay in Xukuumadda Soomaaliya ay tahay mid aan abaal laheyn, isla markaana taageeradii Imaaraadka ay u bedeshay abaal dhac xumeyn iyo in ay hoos gasho cadawga umadda.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa diiday eedeymaha ay usoo jeedisay Dowladda Imaaraadka Carabta ee ku aadan lacagta ay qabatey Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.