Muqdisho (Caasimada Online) – Nabadoon Maxamed Cali oo kamid ah Odayaasha kasoo jeeda magaalada Garoowe ee maamulka Puntland, ayaa sheegay in Madaxweyne Xassan Sheekh uu yahay mid Kali-talis, sii kala fogeeyay Umadda Soomaaliyeed.
Nabadoon Maxamed, waxa uu tilmaamay in mudada uu xilka hayo Xassan Sheekh uu dalka ka dhacay waxyaabo aan horay uga dhicin, waxa uuna cadeeyay in dhammaan arrimahaasi ay ugu wacantahay Kali-talis nimadiisa.
Xassan Sheekh ayuu sheegay inuu jaan rogay Siyaasada Somalia, xili laga filaayay inuu isku keeno Umadda Soomaaliyeed ee ku kala fogaaday Qabyaalada iyo Siyaasada.
”Aniga waxaan ka aaminsanahay Xassan Sheekh iyo waxa uu iska aaminsan yahay isma laha, aniga waxaan qabaa inuu yahay nin Kali-talis ah oo sii kala fogeeyay umada Soomaaliyeed, waxa uu intaa ku darsaday fashil iyo amni xumo aan horay u jirin”
”Malaha Siyaasad uu isku xakameeyo ee waxyaabaha uu ku hadlaayo waxaa usoo diyaariya shaqsiyaad kale, heerka uu iska aaminsan yahay waxaan filayaa inuusan wali gaarin marba hadii Siyaasada Somalia uu isaga un isku soo koobay”
”Waxaa nasiib darro ah in Xassan Sheekh uusan maanta qancinkarin laba ruux iskaba daaye inuu la dhaqmo umado kale”
Nabadoon Maxamed Cali, waxa uu sidoo kale, tilmaamay in Khudbadaha uu jeedinaayo Xassan Sheekh ay usoo diyaariyaan Saraakiil Ethiopian ah, balse uusan laheyn Khibrad uu dalka ku maamulo.
Dhanka kale, waxa uu cadeeyay in Xassan Sheekh uu diiday in mar kale uu Maamulka Puntland kala hadlo arrinta Khilaafka dhalisay, balse iyagana ay u aqoonsadeen inuu yahay digtaatoori kali-talis ah.

