Antony BLINKEN oo arrin xasaasi ah u tegay Sacuudiga

Riyadh (Caasimada Online) – Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Antony Blinken ayaa booqasho ku tegay dalka Sacuudiga, xilli ay socdaan dadaallo lagu raadinayo xabbad joojin ka dhaqan gasha marinka Gaza.

Booqashada Blinken oo noqoneyda safarkii shanaad ee uu ku tago gobolka Bariga Dhexe tan iyo markii Israel ay weerar ba’an ku qaadan Gaza kadib weerarkii Xamas ee 7-dii October ee sanadkii tegay.

Wararka laga helayo socdaalka Blinken ayaa sheegaya in uu madaxda Sacuudiga kala hadlo xaaladda Gaza, oo mareysa meel xasaasi ah xilli aan wax natiijo ah laga gaarin wada-hadallada labada dhinac ee Israel iyo Xamas.

Blinken ayaa sida qorshuhu yahay waxa uu sidoo kale booqan doona Masar, Qatar, Israel iyo Daan Galbeed oo laftigeeda qeyb ka ah socdaalka la qorsheeyay.

Antony Blinken ayaa wuxuu sii wadi doonaa wada-hadallada diblomaasiyadeed, si loo gaaro heshiis xaqiijinaya sii deynta dhamaan la haystayaasha Israel, xabad joojin iyo sidoo kale kordhinta gargaarka bini’aadano ee dadka rayidka ee Gaza.

Tan iyo 7-dii October ee 2023 waxaa weerarada dhimashada badan ee Israel ay ku qaaday Gaza lagu qiyaasa in ugu yaraan 27,478 Falastiiniyiin ah lagu dilay, halka 66,835 kalena ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegeen masuuliyiinta caafimaadka.

Dhanka Israel, waxaa la rumeysan yahay in weerarkii Xamas ay ku qaaday lagu dilay ku dhawaad 1,200 oo Israa’iiliyiin ah, halka in ka badan 130 Israa’iiliyiin ah ay weli ku jiraan gacanta Xamas.

Si kastaba, weerarada arxan darrada ah ee Israel ayaa ka dhigay dadka Gaza badankood kuwa barakacayaal ah, ayada oo lasoo warinayo cunto yari ba’an. Halka in ka badan kala bar la dhaawacay ama la bur-buriyay kaabayaashii deegaanka, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay QM.