Anzhi Makhachkala oo dooneysa inay iibsato Weyne Rooney.

Anzhi Makhachkala ayaa dooneysa inay dalab u dirto ciyaaryahanka kooxda Manchester United Wayne Rooney, sida laga soo xigtay agaasimaha kooxda Roberto Carlos.

Anzhi ayaa dalabkeeda ciyaartoyda ugu waa weyn Yurub wuxuu noqday mid iska caadi ah ka dib markii ay lasoo saxiixdeen Samuel Eto’o bishii August ee sanadii hore.

Wuxuu Carlos u sheegay Sky Sports News in Taajirka u dhashay dalka Ruushka ee iska leh kooxda Suleyman Kerimov, uu sii  wadan doono guulihiisa uu kusoo kaxeysanaayo ciyaartoy waa weyn – sida inuu soo dhaqaajiyo Rooney.

“Maxaa diidaya? Waa mid ka mid ah ciyaartoyda ugu fiican adduunka, koox walbana waa ay dooneysaa inuu u ciyaaro,” ayuu yiri.

“Weli waa ciyaaryahan da’ yar. Dabcan ma dhihi karo xilliga, iyo hadii ay dhaceyso inaan la soo wareegeyno.

Keliya ma ahan Anzhi kooxaha doonaya. Waxaa jira kooxo kale oo ka ciyaara Italy iyo Spain, iyo dhamaam caalamka, kuwaas oo jecel ciyaaryahan Rooney oo kale ah.

“Qofkaan [Kerimov] waxa uu awoodaa inuu sameeyo wax walba. Hadii milkiilaha Anzhi uu doonayo inuu qof soo iibsado, waa uu u dhaqaaqaa waana uu soo iibsadaa.

“Laakiin waxaan isku dayaynaa inaan bedelno muuqaalka kooxda. Kaliya ma ahan mid lacag ku dhisan. Dabcan waxaan dooneynaa inaan la soo wareegno ciyaaryahano fiican kaliya ma ahan ciyaaryahano heer caalami laakiin sidoo kale ciyaaryahano fiican oo Russia ah kuwaasoo aan aheyn kuwa qaali ah.”

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: jangoan@hotmail.com

Mogadishu, Somalia.