26.6 C
Mogadishu
Saturday, March 14, 2026

Aqalka Cad oo saddex garab u kala jabay kadib lama filaan lagala kulmay dagaalka Iiraan

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Washington (Caasimada Online) — Dagaal siyaasadeed iyo is-jiidjiid xooggan oo ka dhex socda ee Aqalka Cad ayaa keenay in Madaxweyne Donald Trump uu soo saaro hadallo is-burinaya oo ku aaddan jihada uu u socdo dagaalka Iiraan, ayada la-taliyeyaasha madaxweynaha ay si weyn isugu khilaafsan yihiin goorta iyo sida dowladda Mareykanku ay ugu dhawaaqi karto guul sheegasho. 

Sida ay Wall Street Journal u xaqiijiyeen ilo xog-ogaal ah oo aad ugu dhow Aqalka Cad, qaar ka mid ah la-taliyeyaasha ayaa uga digaya Trump in sicir-bararka xawliga ah ee ku yimid qiimaha shidaalka uu dhalin karo cawaaqib-xumo siyaasadeed oo ka dhalata duqeymaha Mareykanka iyo Israa’iil ee Iiraan. Dhanka kale, xubno kale oo saamayn leh ayaa ku cadaadinaya in la sii wado weerarada ka dhanka ah Jamhuuriyadda Islaamiga ah.

Xogahan qarsoodiga ah ee soo baxaya ayaa iftiiminaya hab-dhaqanka go’aan-qaadasho ee Aqalka Cad xilli ay socoto hawlgalkii milateri ee ugu weynaa ee Mareykanku qaado tan iyo dagaalkii Ciraaq ee 2003.

Madaxweyne Trump, oo xafiiska ku soo laabtay isagoo ballanqaaday inuu ka fogaan doono faragelin milatari oo uu ku tilmaamay “nacasnimo,” ayaa haatan wajahaya cadaadis lixaad leh laba toddobaad uun kadib markii uu dalkiisa geliyay dagaal gilgilay suuqyada maaliyadda ee caalamka, carqaladeeyayna ganacsiga shidaalka.

Saddex garab oo is-diidan

Saddex garab oo is-diidan ayaa ku loolamaya saameynta madaxweynaha.

Garabka koowaad, oo ka kooban la-taliyeyaasha dhaqaalaha iyo siyaasadda sida madaxa shaqaalaha Susie Wiles iyo ku-xigeenkeeda James Blair, ayaa ku doodaya in sicir-bararka shidaalku uu si dhaqso ah meesha uga saari doono taageerada shacabka ee dagaalka. Waxay madaxweynaha ugu baaqayaan inuu guusha ku qeexo mid xaddidan, soona afjaro hawlgalka.

Dhanka kale, xubnaha mayalka adag ee xisbiga Jamhuuriga, sida Senator Lindsey Graham iyo Tom Cotton, ayaa ku riixaya madaxweynaha in la sii wado cadaadiska milateri si looga hortago in Iiraan ay hesho hub nukliyeer ah, si adagna looga jawaabo weerarada lagu qaadayo ciidamada iyo maraakiibta Mareykanka.

Garabka saddexaad oo ah taageerayaasha asalka ah ee Trump iyo shakhsiyaad saameyn leh sida Steve Bannon iyo Tucker Carlson, ayaa iyaguna si fagaare ah iyo si hooseba uga digaya in Mareykanka lagu dhex jiido dagaal daba-dheeraada.

Afhayeenka Aqalka Cad, Karoline Leavitt, ayaa bayaan ay soo saartay ku beenisay xogahan, iyadoo ku tilmaantay “xansasho iyo mala-awaal ka imanaya ilo aan la garanayn oo aan xitaa goobjoog u ahayn wadahadallada Madaxweynaha.” Waxay carabka ku adkeysay in madaxweynuhu uu yahay go’aan-qaataha kama dambeysta ah.

Isbed-beddelka fariimaha Trump ayaa si weyn u jahawareeriyay suuqyada caalamka. Madal uu kaga qaybgalay gobolka Kentucky Arbacadii, ayuu ugu horreyn sheegay in “Mareykanku uu ku guuleystay dagaalka,” balse markiiba wuxuu raaciyay hadal weji kale ah oo ahaa, “Ma doonayno inaan goor hore baxno, sow maaha? Waa inaan shaqada soo afjarnaa.”

Madaxweynaha ayaa haatan isku dayaya inuu is-waafajiyo fariimo is-diidan, xilli ujeeddooyinkii markii hore la shaaciyay ee dagaalka—oo isugu jiray in la fashiliyo weerar soo fool leh, la burburiyo barnaamijka nukliyeerka, iyo in la rido dowladda Iiraan—ay u xuub-siibteen ujeeddooyin aad u kooban oo ku saleysan cunaqabateyn iyo diblomaasiyad.

Xiritaanka Marinka Hormuz

Marinka Hormuz ayaa udub-dhexaad u ah jihada kama dambeysta ah ee uu dagaalku u biyo-shuban doono. Marinkani oo ay caadi ahaan marto shan-meelood meel shidaalka adduunka ayaa haatan qarka u saaran inuu gabi ahaanba istaago, kadib markii Iiraan ay weerarro la beegsatay maraakiib shidaal oo ku sugnaa biyaha Ciraaq iyo nawaaxiga marinkaas.

Haddii xannibaadda Iiraan ay sii kordhiso qiimaha shidaalka ee gudaha Mareykanka, waxay caqabad siyaasadeed oo weyn ku noqon doontaa Trump iyo xisbigiisa Jamhuuriga oo u diyaar-garoobaya inay difaacdaan aqlabiyaddooda ciriiriga ah ee Koongareeska doorashooyinka xilliga dhexe (midterms) ee bisha Nofembar.

Ugu dambeyn, jahawareerka ka taagan is-bedbedelka go’aamada maamulka ayaa u muuqda inuu salka ku hayo guushii degdegga ahayd ee milatariga Mareykanku dhowaan ka gaaray dalka Venezuela.

Sida ay sheegayaan ilo xog-ogaal ah, qaar ka mid ah la-taliyeyaasha ayaa ku dhibtooday inay Trump ka dhaadhiciyaan in hawlgalka Iiraan uusan u fududaan doonin sidii weerarkii 3-dii Janaayo ee lagu soo qabtay Madaxweyne Nicolas Maduro, kaas oo Mareykanka siiyay gacan-ku-haynta keydka shidaalka ee dalkaas iyadoo aan la gelin dagaal daba-dheeraada. Iiraan, taa beddelkeeda, ayaa ah mid si weyn u hubeysan oo leh nidaam amni iyo mid wadaad oo si qoto dheer u xididdeystay.

Sidoo kale, ilo sirdoon ayaa beeniyay sheegashada la-taliyeyaasha Trump ee ahayd in Iiraan ay toddobaadyo u jirtay sameynta hub nukliyeer ah.

In kasta oo la sheegtay in duqeymaha Mareykanku ay dhulka la simeen inta badan keydkii Yuraaniyamta la kobciyay ee Iiraan, haddana khubarada ayaa aaminsan in walxahaas weli dib loo soo saari karo loona sifeyn karo heer hub nukliyeer ah, in kasta oo xukuumadda Tehran ay mar walba dafirto inay raadinayso hubkaas.

- Advertisement -

Read more

Local News