Aqalka Jawaari oo caawa galay jawi mashquul badan iyo mooshin wadayaasha oo ku shirsan hoteelada

Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in caawa uu kulan xasaasi ah ka socdo Aqalka Guddoomiye Jawaari uu ka degan yahay magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia.

Wararku waxa ay sheegayaan in kulamada caawa ka socda Aqalka Jawaari uu salka ku hayo Mooshinka Guddoomiyaha ka yaala baarlamaanka Somalia.

Kulanka Caawa ka socda aqalka Jawaari oo ay goobjoog ka yihiin Xildhibaano farabadan ayaa waxaa lagu falanqeynayaa go’aanka Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Soomaaliya C/weli Sheekh Ibraahim Muudey uu maalinta beri ah ku balamiyay Xildhibaanada.

Xildhibaanada Caawa ku sugan Aqalka Guddoomiyaha ayaa u badan Xildhibaanada taabacsan Guddoomiye Jawaari, waxaana lasoo sheegayaa inay dhaliilsan yihiin go’aanka uu maanta Muudeey ku balamiyay Xildhibaanada si ay bari uga doodan Mooshinka.

Guddoomiye Jawaari iyo Xildhibaanada caawa martida u ah ayaa si guud uga wada hadlaaya shirarka labadii maalin ee ugu danbeysay ay la qaadanayeen Madaxweynaha dalka Maxamed C/llahi Farmaajo oo isagu xal ku raadinaayay wadahadal.

Dhinacyada ku sugan Aqalka ayaa waxaa lasoo sheegayaa inay kamid yihiin Xildhibaano hore oo Guddoomiyaha garab ku siinaaya sida uu uga badbaadi lahaa Mooshinka ka yaala baarlamaanka Somalia.

Kulamo kan lamid ah ayaa waxa uu caawa ka socdaa Hoteelada magaalada Muqdisho, kuwaa oo u dhexeeya Xildhibaanada Mooshinka kawada Guddoomiyaha kuwaa oo iyaguna u tafaxeydanaaya ridista Gudoomiyaha.

Sidoo kale, kulamada Caawa soo rogaal celiyay ayaa yimid kadib markii Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Soomaaliya C/weli Sheekh Ibraahim Muudey uu maanta Farriin u kala diray Xildhibaanada si maalinta berri ah ay ugu fariistan Mooshinka laga keenay Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Dhinaca kale, Guddoomiye Muudeey ayaa sheegay in xildhibaanada Bari Saddex Saac laga rabo xarunta Golaha Shacabka si ay uga doodaan Mooshinka Gudoomiye Jawaari ka dibna ay go’aan ka gaaraan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com