Sawirro: Madaxtooyada Soomaaliya oo yeelatay Taliye cusub xili kii hore uu xilkiisa ku waayay si sahlan

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa maanta xarunta Villa Somalia ee magaalada Muqdisho ka dhacay xil wareejinta Taliyaha cusub  ururka 60-aad ee Ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya Gashaanle Odowaa Yuusuf Raage iyo Abaadulaha ururka 60-aad Ilaalada Madaxtooyada Laba xidigle Dayax Abdi cabdulle.

Taliyaha cusub ayaa xilka la wareegay ka dib markii dhawaan xilka laga qaaday Taliyihii ciidamada Madaxtooyadda ee lagu magacaabayay Afcaddeeye.

Goobta xil wareejinta ayaa waxaa ku sugnaa Taliyayaal iyo Saraakiil ciidan oo ka tirsan Wasaarada Gaashandhiga Xukuumada Somalia.

Hoggaanka cusub ee Ciidamada Madaxtooyadda ayaa ah dhalinyaro , waxaana uu xilka kala wareegay Hogaan da’ ah.

Magacaabida Taliyaha cusub ayaa timid kadib markii Madaxweyne Farmaajo iyo Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, ay isla garteen in dhalinyaro loo dhiibo Hoggaanka ciidamada xoogga, si uu usoo degdego isbedel.

Taliyihii hore ayaa xilkiisa waayay kadib markii uu si ula kaca ula saftay Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, xi lagu amray in ciidamada Villa Somalia aysan ku lugyeelan ololaha Jawaari.