Aqalka Sare oo ansixinaya sharci muhiim u ah guud ahaan shacabka + Video

Muqdisho (Caasimada Online)- Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka Somalia ayaa maanta guda galay sharci muhiim u ah muwaadin kasta oo Soomaaliyeed oo waxtar u leh caafimaadka iyo taya dhowrka Soomaaliyeed, maadaama dalkeena aysan jirin hay’ad kontoroosha waxa dalka soo gelaayo iyo waxa ka baxaayo.

Sharcigaan ayaa waxaa golaha ka hor akhriyay Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Eng. C/llaahi Cali Xasan. Sharciga Jaan-goynta iyo Tayo-dhowrka Soomaaliya, ayaa abuuraya hay’adda Dhowrista Tayada oo mas’uul ka noqon doonto ilaalinta tayada waxyaabaha dalka soo galaaya, kuwa laga dhoofinaayo iyo wixii lagu isticmaalyo dalka gudahiisaba.

https://www.youtube.com/watch?v=fWM_DRjt7_4