Aqalka Sare oo berri Ka doodaya dhiibista Qalbi-dhagax, labada aqal ee BF oo ajendahooda mideeyay Isniinta

Muqdisho (Caasimadda Online) –  joogtada ah ee golaha aqalka sare oo maanta kulan isugu yimid xaruntooda magaalada Muqdisho ayaa go’aansaday in Ajendahooda kulanka berri oo isniin ah uu noqdo ka doodista dhiibista xukuumadda Soomaaliya ee Cabdikarim Qalbi-dhagax.

Guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi oo la hadlay Goobjoog News ayaa xaqiijiyay in arrinka Qalbi-dhagax ay tahay ajendaha ugu horreeya ee golaha, lagana doodi-doono qaabka ay u dhacday gacan-gelintii Qalbi-dhagax.

“Ajandahaha Guddiga joogtada uu ka hadlay waxa weeye ka doodista go’aankii Xukuumadda ay gaartay ee ku saabsanaa u gudbinta C/kariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax ee Itoobiya loo gudbiyay iyo Xukuumadda go’aanka ay ka soo saartay weeye, kaas aan rabno inaan Aqalka geyno, waxaana ka soo saari doonaa go’aan sax iyo qalad wuxuu yahay go’aankaas xukuumadda ay gaartay”ayuu yiri Guddoomiye Cabdi Xaashi oo la hadlayay Wariyeyaasha markii uu soo dhamaaday kulanka Guddiga joogtada.

Warar ku dhaw kulanka guddiyada joogtada ah ee aqalka sare ayaa Goobjoog News u sheegay in Xildhibaannada isku ballansadeen kulanka berri ah in aan laga baaqan, isla markaana aan loo baahneen in loo yeero wax xukuumadda federaalka ah ee Xildhibaannada keliya ay ka doodi-doonaan.

Arrinta mar haddii ay ku saabsan tahay arrimo  la xiriira dastuurka iyo meel-ka-dhac lagu sameeyay qodobadiisa, xeerarka caalamiga ah oo lagu tuntay iyo sharciyo la sheegao in Qalbi-dhagax lagu dhiibay, arrimaahaasi oo dhan waxaa ay qeyb ka yihiin shaqada aqalka sare.

Qaar ka tirsan golaha wasiirrada ayaa lagu eedeeyay in ay is hor-istaageen kulankii golaha shacabka ee sabtidii dhici lahaa, aqalka sare kuma jiraan Xildhibaanno wasiiro ah, waana adag tahay in taasi dhacdo.

Isniinta waxaa lagu wadaa in ay fariistaan labada aqal ee baarlamaanka, arrinta mid weliba ajendihiisa ugu horeeya waa ka doodista sida xukuumadda Kheyre ay ugu gacan-gelisay Qalbi-dhagax talista Adis Ababa.