Sawiro: Faahfaahin ku saabsan khasaarihii ka dhashay qaraxii ismiidaaminta ee Baladweyne

Beledweyne (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Qarax ismiidaamin ah goordhow ka dhacay magaaladaasi.

Ruux soo xirtay Jaakadaha Walxaha Qarax ayaa isku qarxiyay dad ku sugnaa maqaayad shaaha lagu cabo oo ku taal agagaarka xarunta maamulka Gobolka Hiiraan, iyadoo jiro khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qofkan oo waxyaabaha qaraxa isku soo xiray ayaa ka hor inta uusan is qarxin la sheegay in uu isaga soo taagay ilinka hore ee maqaaxi oo xiligaa ay fadhiyeen dad aan tiro badneyn, waxaana mar kaliya laga war helay jugta qaraxa oo siweyn looga maqlay inta badan xaafaddaha magaalada Beledweyne.

Wararka ayaa sheegaya in ninkan naftii haligaha ah uu beegsaday dad ku sugnaa maqaayad shaaha lagu cabo oo ku taal agagaarka xarunta maamulka Gobolka Hiiraan, iyadoo jiro khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Ilaa hadda waxaa la xaqiijinayaa dhimashada Saddex ruux oo uu ka mid yahay qofkii geystay weerarka ismiidaaminta ah wali qeybo ka mid ah jirkiisa lagu arkayo halka uu qaraxu ka dhacay.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cumar Aadan Ibraahim Baadiyoow oo shir jaraa’id goobta ku qabtay ayaa sheegay in labo ruux ku dhinteen qaraxa.

Sidoo kale isbitaalka magaalada Beledweyne ayaa la dhigay tiro ku dhaw 15 ruux oo qaarkood qaba dhaawacyo culus.

Dadka dhaawacmay ayaa waxaa ku jira saddex wariye ah oo u shaqeynayay TV kala ah Jubbaland,  Saab,  iyo RTN,  waxaana la sheegay in wariyaha dhaawac culus uu soo gaaray wariyaha C/llaahi Cismaan Macalin oo ka tirsan TV Jubbaland.

Ciidamada amniga ayaa xiray goobta uu qaraxa ka dhacay, iyaga oo dadka iyo gadiidka u diidaya in ay ka soo agdhawaadaan.

Qaraxan ismiidaaminta ayaa ah kii labaad uu fuliyo qof xiran jaakadaha qarxa, iyadoo jimcihii la soo dhaafay uu qarax ismiidaamin ah uu ka dhacay meel maqaaxi ah oo ku taal magaalada Baydhabo, halkaasoo ay ku dhinteen illaa afar ruux.