Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay gaari lagu rasaaseeyay Muqdisho

Muqdisho (Caasimadda Online) – Rag hubeysan islamarkaana saarnaa gaari ayaa la sheegay iney rasaas ku fureen gaari kale oo ay saarnaayeen dad shacab ah kaasi oo marayey xaafadda Suuq Liif ee degmada Dharkeenley.

Dableyda gaariga wadatay ayaa la sheegay in markii ay falkaan geysanayeen ay gaarigooda ku horjareen gaariga kale, kadibna markii ay rasaasta fureenna ay goobta isaga baxsadeen.

Dableyda hubaysan oo wadatay gaari NOAH ah, ayaa la sheegay inay ku horgooyeen gaariga kale oo ah Qooqan, kadibna xabado ay la dhaceen.

Dadka deegaanka ayaa sheegay gaariga qooqanta inay saarnaayeen saddex ruux oo mid ka mid ah meesha ku geeriyooday, halka labada kale dhaawac uu soo gaaray.

Gaariga la weeraray oo illaa hadda aanan la cadeyn inuu saarnaa qof masuul ah, ayaa dadka deegaanka waxa ay sheegeen saddexda ruux ee gaariga saarnaa inay ahaayeen dad degan xaafadda Ceeldheere ee Degmada Dharkiinley.

Kooxihii watay gaariga hubaysan ayaa ka baxsaday durbadiiba goobta waxayna u carareen dhanka Xerada Badbaado oo xigta laamiga Ex-Control Afgooye.

Dableydan hubaysan ee gaariga wadatay ayaa shalay isla Degmada Dharkiinley ku rasaaseeyay gaariga Gudoomiye Ku xigeenka dhanka arrimaha Bulshada Degmadaasi.

Falalkii lidiga ku ahaa dhanka ammaanka ee ka dhici jiray Degmada Dharkiinley ayaa dib ugu soo laabtay Degmadaasi, taasi oo muujinaysa in habacsanaan dhanka ammaanka ah ay ka jirto Magaalada Muqdisho.

Sabtidii shalay, sidan oo kale rag watey gaari ayaa waxay weerar ku qaadeen gaari uu lahaa guddoomiye ku xigeenka degmada Dharkeenley, waxaana halkaasi ku dhintey Hal qof.