Aqalka Sare Oo Guddi U Saaray Xiisada Siyaasadeed Ee u dhexeeyso jawaari iyo kheyre

Muqdisho-(Caasimadda Online)-Guddiga joogtada ee Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka oo maanta shir ku yeeshay xaruntooda magaalada Muqdisho ayaa ku baaqay in la xaliyo khilaafka u dhaxeeya Golaha shacabka ee ka dhashay mooshinkii laga keenay Guddoomiye Jawaari.

Kulanka oo ahaa mid Saxaafada banaanka ka joogtay ayaa waxaa aad loogu lafa guray xiisada dalka ka jirta iyo sidii xal looga gaari lahaa khilaafka Gudoonka Golaha Shacabka kaas oo sababay in ay kala qeyb samaan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

Cabdikariin Buux Xoghayaha Guud ee Golaha shacabka ayaa markii uu soo dhamaaday kulanka waxa uu Saxaafada uga warbixinayay waxa uu sheegay in la Magacaabay Gudi ka kooban 7 xubnood oo uu Guddoomiye u yahay Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi si loo xaliyo xiisada taagan.

Khilaafka ayaa cirka isku shareeray kaddib markii shalay Ciidamo ay la wareegeen Xarunta Golaha shacabka ciidamadaas uu Guddoomiye Jawaari ku eedeeyay in uu  Ra’iisul Wasaaraha soo  amray  wixii hadda ka dambeeyana uu mas’uuliyadeeda qaadi doono.

Beesha Caalamka ayaa walaac ka muujiyay khilaafka siyaasadeed ee Baarlamaanka iyo Xukuumadda waxaana ay ku baaqeen in la xaliyo.

Sidoo kale Guddiga joogtada ee Aqalka sare ee Baarlamaanka ayaa soo jeediyay in xasiloonidii iyo degenaanshaha Golaha shacabka la soo celiyo.

Magacaabista Gudiga ka shaqeyn doono xalinta khilaafka Baarlamaanka iyo Xukuumadda ayaa ku soo aadayax ili goordhow ay Muqdisho ku shireyn tiro Xildhibaano ah kuwaas oo Gudoomiye Jawaari ka dalbaday in uu is casilo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com