Kheyre oo Dhaqaale loo adeegsado Mooshinka Jawaari kala baxay Khasnada G/Banaadir iyo Yariisow oo Maqaar saar noqday

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xogta laga helayo ayaa sheegaya in dhaqaale lagu sii wado ololaha mooshinka Jawaari uu Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre kala baxay Khasnadda maamulka Gobolka Banaadir.

Wararka ayaa sheegaya in XasanCali Kheyre ayaa qasnada gobolka Banaadir kala baxay lacag ka badan $1,000,000 (Hal milyan oo doollar), lacagtaas oo la sheegay inay ahayd tii ugu horeysay ee loo adeegsado xildhibaanada mooshinka ka keenay guddoomiyaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Cismaan Jawaari.

Guddoomiyaha G/Banaadir iyo xildhibaan Xuseen Iidow ayaa xogtu sheegeysaa in howshan loo xil saaray iyagoo bixinaya kharashka lagu kala hagayo ololaha mooshinka ee ka socda Muqdisho.

Gobolka Banaadir ayaa tan iyo dowladii Xasan Sheekh loo adeegsan jiray in hantida iyo madaxdiisa mooshinno iyo siyaasadaha iska horjeeda markii ay is qabtaan madaxda sare ee dalka.

Waxaa Muuqato in Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir Eng. Yariisow uu yahay shakhsi uu keensaday Kheyre, wuxuuna u muuqdaa inuu yahay Maqaar saar aan wax tallaabo ah ka qaadi karin maamulitaanka Daqliga Gobolka Banaadir.

Sababta ugu weyneyd ee Yariisow xilkaan loogu magacaabay ayaa aheyd inuu noqdo Maqaar saar isla markaasna uu Ra’isulwasaare Kheyre iska maamusho Hantida Gobolka Banaadir.

Dadka Falanqeeyo siyaasadda ayaa aaminsan in sababta xilka looga qaaday Guddoomiyihii hore ee Thaabit ay aheyd inuu diiday in Hantida Gobolka Banaadir uu iska maamusho Ra’isulwasaare Kheyre.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com