100 Xildhibaan oo jawaari ka codsatay inuu is casilo iyo Xaaladda Baarlamaanka Soomaaliya oo….

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaanadii dhawaan mooshinka ka gudbiyay gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusamaan Jawaari ayaa waxa ay goordhow kulan xasaasi ah ku yeesheen Magaalada Muqdisho,kaas oo ay uga hadlayeen mooshinkii ay gudbiyeen.

Xildhibaanada ayaa waxa ay sheegen in weli mooshinkii ay gudbiyeen uu taagan yahay,isla markaana dhawaan kualnka ugu soo horeeya lahorgeyn doono.

 Ku dhawaad 100 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maanta Xarunta Villa Hargeysa kulan kula qaatay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Cismaan jawaari.

Xildhibaanadaan ayaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ka codsaday inuu iscasilo, waxayna si cad ugu sheegeyn inuu ku xadgudbay Dastuurka Dalka u yaalo.

Xildhibaanadaan oo kulan albaabada ku xiran yahay la yeeshay Jawaari ayaa ka codsaday inuu u hoggaansamo rabitaanka Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya isla markaasna uu xilka iska casilo.

Shabakadda Caasimadda Online ayaa heshay qaar kamid ah Magacyada Xildhibaanada Jawaari kulanka la qaatay isla markaasna ka codsaday inuu is casilo.

Halkaan hoose ka akhriso qaar kamid ah magacyadaas:

  1. Cabdullaahi Goodax Barre
  2. Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil
  3. Sheekh Aadam Madoobe
  4. Maxamed Cumar Dalxa
  5. Cabdi Cali
  6. Khadiijo Diiriye
  7. Amiin Jeesow

Saacadaha soo socdo ayaan idiin soo gudbin doonaa Magacyada 100-ka xildhibaan ee Jawaari ka codsaday inuu is casilo.

Kulankaan ayaa markii dambe kusoo dhammaaday natiijo la’aan, wuxuuna Jawaari ku adkeystay inuusan iska casileyn xilkiisa.

Xaaladda Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa mareyso meel halis ah waxaana muuqato inuu u kala jabay laba qeybood.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com