Ciidamo ka tirsan AMISOM oo lagu wareejiyay amaanka Xarunta Golaha Shacabka.

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ciidamo ka tirsan Howlgalka Midowga Africa ee AMISOM ayaa saakay lagu wareejiyay amaanka dhismaha Xarunta Golaha Shacabka Soomaaliya oo saacadihii ugu dambeeyay ku jirtay xaalad xasilooni darro dhinaca amniga ah.

Ku dhawaad 100 ka mid ah Ciidamada AMISOM gaar ahaan Ciidamo ka socda Dowladda Uganda ayaa sugaya amaanka dhimsaha xarunta Golaha Shacabka oo xalay lagu wareejiyay Ciidamo Cusub kadib markii xukumadda lagu eedeeyay in ay ka wareejisay Ciidankii hore.

Beesha Caalamka ayaa ku baaqday in dhismaha Xarunta Golaha shacabka laga qaado Ciidanka lagu wareejiyay, waxayna arintaasi ku timid kadib markii Guddoomiyaha Golaha Shacabka Prof Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari uu dalbaday in xarunta laga dulqaado Ciidan uu sheegay in uu amray Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayrre.

Ciidamada AMISOM ayaa horay u joogay qaar ka mid ah Golaha Shacabka balse kuwa cusub lagu kordhiyay,waxana tallaabadaan ay ku soo aadeysaa xili xalay gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh cusmaan Jawaari uu sheegay in Ciidamo uu soo amray ra’iisul Wasaaraha soomaaliya ay qabsadeen Xarunta Golaha Shacabka.

Xarunta Golaha Shacabka ayaa Maanta waxaan ka jirin wax kulan ah laakin hadalka ka soo baxay Gudoomiye Jawaari ayaa waxaa isla xalay beenisay Wasaaradda Amniga soomaaliya.

Si kastaba arrintaan ayaa ku soo aadeysa xili weli u taagan yahay Khilaafka gudoonka Golaha Shacabka kaas oo kala qeybiyay xildhibaanada,iyada oo lagu eedeynayo in ay ka dambeyso xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xasan Cali kheyre.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com