25.4 C
Mogadishu
Wednesday, October 22, 2025

Aqalka Sare oo ku biiray baaritaanka xasuuqii ka dhacay deegaanka Bariire

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoonka Aqalka Sare ee baarlamaanka Somalia ayaa qeyb ka noqday baaritaanada lagu xaqiijinaayo xasuuqii dhawaan ka dhacay deegaanka Bariire ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Guddoonka ayaa si degdeg ah ku sameeyay tirro Xildhibaano ah kuwaa oo qeyb ka noqon doona Guddiyada ku howlan baaritaanada Xasuuqa.

Guddoonka oo arrintaan ka hadlay ayaa sheegay in Guddiga loogu tala galay in ay soo baaraan dhacdadii ka dhacday degaanka bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Guddoomiyaha aqalka sare ee baarlamaanka Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa guddigaan u xilsaaray weerarkii Bariire, kadib markii qaar kamid ah xubnaha aqalka sare ay ka hadleen dhacadadii dadka lagu laayay.

Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa sheegay inay dadajin doonaan baaritaanada socda, iyadoo u jeedka ugu weyn uu yahay xal u helida kiiska Xasuuqa oo iminka gaarsiisan meel xun.

Waxaa sidoo kale, Guddigaan hoggaaminaya Guddiyadda Amniga iyo arrimaha Gudaha Baarlamaanka Aqalka Sare.

Xildhibaanada loo xushay baarisya ayaa la filayaa in natiijada Baarista ay ku wareejiyaan Guddoonka Aqalka Sare, iyadoo loo gacan galin doono madaxda ugu sareyso dalka.

Dhinaca kale, Guddigaani ayaa noqonaaya kii labaad oo loo xil saaro baaritaanka xasuuqa Bariire, waxaana suuragal ah inay kasoo baxaan natiijo wanaagsan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News