Rugta ganacsiga oo jawaab ka bixisay go’aankii wasaarada iyo dukumiintiyo uu baxshay Kheyre oo lasoo bandhigay

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo warqad kasoo baxday Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Somalia lagu mamnuucay jiritaanka rugta Ganacsiga Soomaaliyeed, ayaa waxaa arrintaa ka jawaabay madaxda rugta Ganacsiga iyo Warshadaha.

Cabdi Abshir Dhoore oo ah Agaasimaha Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed ayaa sheegay in Rugta Ganacsiga ay tahay mid kamadax-banaan dowladda Somalia.

Agaasimaha waxa uu sheegay in Rugta ganacsiga ay tahay Hay’ad ka madax banaan dowlada, waxa uuna tilmaamay inay tahay keliya Hay’ad ku tiirsan shacabka Soomaaliyeed, sida uu hadalka u dhigay.

Agaasimaha waxa uu sheegay in wasaaradu ay qaadatay go’aankaasi, iyadoo aan maamulka sare ee Rugta lagu wargalin go’aanka lagu baabi’inaayo Rugta.

Sidoo kale, Agaasimaha Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed, Cabdi Abshir Dhoore ayaa saxaafada la wadaagay Warqad cadeynaysa sharci ahaanshaha Rugta, taasi oo ka soo baxday Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Somaliya Xasan Cali Khayre.