Aqoonsiga Jubaland, shirka JABUUTI iyo qorshaha uu damacsan yahay Farmaajo

Madaxweyne Farmaajo weli kama quusan qorshihii muddo kordhinta ee labada sano ahaa. Markaad eegto qaabka uu doonayo in uu ku maareeyo Wadahadallada Somalia iyo Somaliland, go’aanka uu ka soo saaray Jubbaland iyo gogosha aan muddeysneyn ee shirka dowlad Goboleedyada.

Farmaajo wuxuu ku taamayaa in uu Jabuuti heshiis kula gaaro Somaliland, heshiiskaas oo dhigaya in wadahadallada labada dhinaca lagu soo afjaro muddo labo sano ah. Wuxuu Farmaajo ku andacoon doonaa in heshiiskaas uu isaga dhammeystirayo, maadaama uu isagu soo galay heshiiska, sidaas darteedna si joogistiisa ay lagama maarmaan u tahay danaha midnimada Soomaaliya.

Dhinaca kale, waxaa madaxtooyada ka soo baxay qoraal uu Farmaajo ku saxiixan yahay, kaasoo Madaxweyne ku meel gaar ah u aqoonsanaya madaxweynaha Jubbaland mudane Axmad Maxamad Islaam (Axmad Madoobe). Tani waxay daaha ka qaadday in madaxweyne Farmaajo uu yahay ninka sida tooska ah ugu jira dagaalka Jubbaland, isagoo xukuumadii iyo Baarlamaankiba waxba ka soo qaadin. Labada sano ee uu qoraalkiisa ku sheegay ayuu ku doonayaa gorgortan Axmad Madoobe iyo Puntland lagu oggolaysiiyo muddo kordhinta labada sano ah ee Farmaajo.

Dhinaca kale, Farmaajo oo ka jawaabaya cadaadiska kaga yimid beesha caalamka, doonayana in uu maja xaabiyo dadaalka Aqalka Sare, ayaa ku baaqay shir ay madaxda Dowladda Federaalka ah iyo dawlad Goboleedyada isugu yimaadaan, kaasoo aan lahayn muddo cayiman. Wuxuu doonayaa in shirka Dowladda Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedyada uu dhaco kulanka Guddiga Doorashooyinka ay Baarlamaanka ku hor imaanayaan kaddib. Guddiga ayaa Baarlamaanka ka codsan doona muddo kordhin si ay doorasho qof iyo cod ah u qabtaan.

Horay ayaan dhowrjeer u sheegnay in Soomaalidu ay ku sirantahay Farmaajo, laakiin Farmaajo qudhiisana uu Soomaalida ku siranyahay, oo waxaan ka maangal aheyn raba inuu ka gado.

Haddaba waxaan ugu baaqeynaa Aqalka Sare in uu sii wado dadaalka uu saamileyda siyaasadeed isugu keenayo, cayimana halka ay ka dhaceyso gogosha la isugu imaanayo. Waxaan ugu baaqeynaa guddoonka Baarlamaanka iyo Dowlad Goboleedyada taageersan Madaxweyne Farmaajo in ay ka waantoobaan gacan siinta qaska iyo fidnada ay madaxtooyada Soomaaliya la maaggantahay dadka iyo dalka Soomaaliya.

Raysalwasaaraha Soomaaliya waa in uu caddeeya mowqifkiisa ku aaddan dhacdooyinka isdaba yaala ee dalka. Siima ahaan karo laacib siyaasadeed oo aan kaalin muuqata ku laheyn siyaasadda.

Xisbiyada siyaasadeed waa in ay ka tashadaan sidii shacabka u tusi lahaayeen, hagardaamada ay madaxtooyada la damacsan tahay dalka. Waana in ay abaabul muuqda sameeyaa. Wadajir diyaar ayey arrinkaas u tahay.

Soddonkii sano ee la soo dhaafay ayaan darro ka weyn sooma marin Soomaaliya in kursigii dalka ugu sarreeyey ee madaxtooyada fidno, qas iyo qalaalase si ula kac ah loogu abaabulo, xukuumaddii iyo Baarlamaankiina ay noqdaan awood aan wax dheeli tiri karin.

Soomaali waxay taagan tahay kala bayr siyaasadeed oo ay ku kala baranayso dadka fitnada Villa Somalia raacsan iyo kuwo diiddan ee doonaya in ay dalka iyo dadka badbaadiyaan. Taariikh ayaa qormeysa.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur waa guddoomiyaha Xisbiga Wadajir, iyo wasiirkii hore ee qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah ee Soomaaliya ee dowladdii madaxweyne Shariif.

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid