Xog: Xildhibaanada Waqooyi oo Farmaajo u sheegay inuu weyn doono codkooda

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Farmaajo oo shalay galab dib ugu soo laabtay dalka, kadib shirkii wadahadallada dowladda federaalka iyo Somaliland ee uu uga qeyb galay dalka Jabuuti ayaa la kulmay siyaasiyiinta dowladda federaalka ku metela Somaliland.

Siyaasiyiintan oo uu hoggaaminayay Ra’iisul wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed, qebna ka ahaayeen guddoomiyaha maxkamadda sare Baashe Yuusuf Axmed, Wasiirka Maaliyadda, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, Wasiir Iidaan iyo iyo masuuliyiin kale.

Xubnahan ayaa Madaxweynaha aad ugu dhaliilay, isla markaana kulankaas ku weydiiyey sababta uusan uga qeyb gelin wadahadallada, maadaama ay iyagu metelaan Somaliland, kulankana looga hadlayo masiirka gobollada ay ka soo jeedaan.

Mas’uul kulankaas ka qeyb galay ayaa Caasimada Online u sheegay in mas’uuliyiintu shaki geliyeen inay madaxweynaha taageeri doonaan doorasahda soo fool leh, “Madaxweyne markaad go’aansatay inaad kaligaa ka taliso masiirka ummadda aan matalno, ayaad ka tashatay in ka badan 70-cod ee waa inoo doorshada,” sidaas waxa goobta uga celceliyay dhowr masuul, taas oo uu ula jeedo qoondada beesha Direed ay ku leedahay labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa isku dayay inuu mas’uuliyiinta ku qanciyo in wadahadallada furmay ay ahaayeen kuwa lagu qasbay, balse aaneyn jiri doonin wax go’aamo ah oo ka soo bixi doono, waxa uu intaas raaciyay in kaliya laga wada hadlayo mashaariicda gargaarka oo aaney jiri doonin wax intaas dhaafsiisan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ballan qaaday in go’aamada soo baxa ay talo ku yeelan doonaan, isla markaana waxaa lagu ballamay kulan kale oo maalinta berri ah ka dhacaya madaxtooyada.

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa dalka dib ugu soo laabtay gabal dhacii galabta, waxaana wafdiga Madaxweyne Farmaajo ee wadahadalkaas ku metelayey dowladda federaalka qeyb  ka ahaa Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre oo haatan ku haray dalka Jabuuti.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa kor-joogteyn doona wadahadallada ay sii amba qaadayaan guddiyada ka kala socda Soomaaliya iyo Somaliland oo shalay labada dhinac ay ku heshiiyeen in la sameeyo.