Shirka Jabuuti ee Soomaaliya iyo Somaliland muxuu kaga duwan yahay kuwii hore?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa weli dalka Jabuuti ka socda shirka wadahadallada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda iskeed madaxbanaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland iyadoo ay u kulmeen wufuudda labada dhinac si guud iyo si gooni gooni ah, waxaana shirkaas laga soo saaray qodobo horudhac ah oo ay ku heshiiyeen labada dhinac, inkasta oo weli uu socda shirku, maxay tahay waxyaabaha shirkan uu uga duwan yahay kuwii hore?

Shirkan waxaa ka qeybgalaya wufuud culus oo ka kala socota labada dhinac, waxaana u kala dab qaadayaa madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ,iyadoo Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed lagu casuumay, waxaa sidoo kale goob joog ka ah safiirka Mareykanka ee Soomaaliya.

Dhinaca hadal heynta, waxay u muuqataa in dadka soomaalida ah ay si gaar ah u daneynayaan marka aad eegto sida loogu hadal hayo baraha bulshada iyo warbaahinta iyadu dadkuna ay u dhag taagayaan waxa kasoo bixi kara.

Profesoor Xuseen Warsame oo wax ka dhiga Jaamacadda Calgary ee dalka Canada ayaa sheegay in shirkan laga filan karo rajo weyn marka la eego sida ay wadahadalladu ku bilaabmeen.

“Guddi culus ayaa meesha yimid madaxdii ugu sarreysay Soomaaliya iyo madaxweynihii Somaliland..wasiiro ka joogaa dad badan baa joogaa, waxay arrinatani kaga duwan tahay kuwii hore Mareykankii baa joogaa oo laftiisa dabada ka riixeeya, Ra’iisul wasaarihii Itoobiya oo awal aanan lagu tirin jirin in madaxda Itoobiya ay taageerto isku imaansho iyo wax noocaas ah, waxaan u jeedaa Midowgii Afrika, Midowgii Yurub, Jamciyadda Quruumaha ka dhexeysa..Runtii rajo weyn ayay arrintaas keeneysaa marka la eego jawigu ay wax ku bilaabmayaan oo waxay u egtahay in meel loo socdo”

Waxaa uu sidoo kale sheegay in caqabadda ugu weyn ay tahay in Somaliland ay dooneyso in la ictiraafo halka Soomaaliyana aysan ogoleyn wax kala go’ ah.

“Dabcan maskaxdaa ah in icitiraaf ay u socota Somaliland oo aanay wax kale u socon.. Soomaaliyana madaxweynaha dastuurka lagu doortay wuxuu oronayaa waa in aad marnaba ogolaanin wax kala go’ Soomaaliya la yiraahdo”

Yaasiin Maxamuud Xiir Faratoon oo ah wasiirka arrimaha dibadda Somaliland oo qayb ka ah wafdiga Somaliland ka socda ee shirka ka qeybgalaya ayaa isna sheegay in qaabka loo ambaqaaday wadahadallan ay ka duwan yihiin shirarkii hore ee dhexmaray Soomaaliya iyo Somaliland.

“Shirkan wuxuu kaga duwan yahay, wuxuu leeyahay marqaatiyeyaal, dad miisaan leh oo odeyaal ah oo madaxweyneyaal ah isla deegaanka ay ku yaallin labada dal ayay ka socdaan,..kii hore labada wafddi ee labada dal ka socda unbaa meel la geyn jiray oo la oran jiray idinku wadahadla laakin waa la dhex joogaa waana goob joog baa loo yahay waxa lagu wada hadlayo”

Waxyaabaha xiisaha gaarka ah u yeelaya

Profesoor Xuseen Warsame waxaa uu sidoo kale ka dhawaajiyay in waxyabaaha xiisaha u yeelaya shirkan in ay kamid yihiin in la isku furo dhaqaalaha gobolka iyo isbaddalka siyaasadda geeska afrika.

“In dhaqaale ahaan ay isku furmaan oo ninka Abiy Axmed ah kuwa qaatay Nobel Peace Prize arrintaa dabada waa ka riixayaa Mareykankii ayaa u yar jeedaa, oo Soomaaliya maalgelin badab baa la sameyn karaa hadda, dekeda la dhisayaa, patrool baa la helay.. umuurahaa adduunkii uu usoo yar jeeda iyo geeska afrika siyaasaddiisu oo isbaddashay baa keeneysaa xamaasaddan faraha badan iyo rajadan faraha badan, rajaana jirta”

Maxaa dhici karaa xitaa haddii haatan aanan laga heshiin arrinta ugu weyn ay labada dhinac isku hayaan? “Oo xataa haaddaan hadda lagu heshiin ma kala go’naa iyo ma isku jirnaa colaadda la yareynayo waxay keeni doontaa in horumarkii dhaqaalahu uu xowli galo labada dhinacba” ayuu yiri Profesoor Xuseen Warsame.

War-murtiyeed laga soo saaray shirkaasi ayaa lagu sheegay in lagu heshiiyay in la sameeyo guddi farsamo oo wada jir ah, kuwaas oo hawsha halkaa ka sii wadi doona isla markaana dib u eegi doona waxyaabaha horey loogu heshiiyay, in labada dhinac aanay siyaasadeyn kaalmooyinka horumarineed iyo maalgashiga iyo in dalka Jabuuti uu noqdo madasha kulammada dhanka farsamada ee lagu sii dhaqaajinayo wada-hadallada.

Xigasho: BBC.