Maxey maanta ka shirayaan xildhibaanada BF Somalia?

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaanada Golaha Shacabka, oo maanta kulansan, ayaa ka shiraya sharci muhiim ah, sida ay qaar ka mid ah xildhibaanada u sheegeen Caasimadda Online.

Xildhibaanada ayaa xalay loo diray fariimo muujinaya shirkooda maanta, waxaana laga dalbaday iney wakhtiga ilaaliyaan.

Kulanka maanta ee ka dhacaya xarunta Villa Hargeysa ayaa ah mid ka mid ah kulamada ugu horreeya ee kalfadhigoodii ugu dambeeyay.

Dad badan ayaa is weydiinaya maxey ka shirayaan xildhibaanada Baarlamaanka iyadoo ay jirto arrin xasaasi ah oo ah wadahadallada dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland oo maalintoodii labaad ka soconaya dalka Jabuuti.

Golaha Shacabka maanta waxey ka doodi doonaan sharciga Nootaayooyinka dalka, waxaana la ogyahay iney xildhibaanadu usoo mariyeen akhrintii ugu horreysay.

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxaa horyaalla shaqooyin badan maadaama muddo xileedkooda uu dhaw yahay.