Aqri: Golaha xaq u-dirirka Banaadirigga oo taageeray kuraasta la siiyey G/Banaadir

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha xaq u-dirirka Banaadirigiga ayaa war-saxafaadeed uu soo saaray uga hadlay go’aankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu ku ansixiyey in Gobalka Banaadiri uu13 kursi ku yeesho Aqalka Sare. Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka.

Warsaxaafadeed

Golaha xaq udirirka Banaadirigga waxaa uu bogaadinayaa Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya go’aanka geesinimada leh ee ansixinta xubnaha matalaadda Gobalka Banaadiri ee 13-ka ah, arrintaas oo ah mid taariikhi ah oo masiiri ah

Shir weyn oo ay isugu yimaadeen dhammaan qeybaha bulshada Banaadiriga, ayna ka mid ahaayeen xubnaha Golaha Xaq udirirka Banaadiriga, uuna shir guddoominayey guddoomiyaha Golaha Md. Cumar Shariif Jeeg ayaa lagaga dooday go’aanka Matalaadda Gobalka Banaadir oo markii ugu horreysay yeelanaya xubno u fadhiista aqalka saree e Baarlamaanka Federaalka.

Shir weynahan degdegga ahaa oo looga arrinsanayey arrinta matalaadda loo ansixiyey Gobalka Banaadir ayey golahan ka soo saareen baaq isugu jira bogaaadin iyo jiheyn iyo tusaaleeyn.

Guddoomiye Cumar Shariif Jeej ayaa yiri “Waxaa Ilaahey mahaddiisa ah in maanta ay Baarlamaanka Soomaaliyeed ogolaadeen in Gobalka Banaadir uu helo matalaad uu ku yeesho aqalka sare, tani waxay Meesha ka saareysaa dulmanaantii ay Bulshada Banaadiriga ku dulmanaayeen aqalka sare, waayo wax xubin ah oo matala gobalka Banaadir iyo bulshada Banaadiri intaba ma jirin”

Guddoomiye Cumar Shariif Jeeg wuxuu intaas raaciyey “Waxaan u mahadcelineynaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md. Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo isaga lahaa fikradda ah in laga hadlo matalaad la’aanta Gobalka Banaadir, waxaana ugu baaqaynaa Madaxweynaha inuu Xaqiijiyo in matalaaddaas ay yeeshaan dadka xaqa u leh oo ah Banaadiri”

Afhayeenka Guud ee Beelaha Banaadiriga Soomaaliyeed Md. Salmaan Shariif Abuukar ayaa sidoo kale bogaadiyey go’aanka Taariikhiga ah ee matalaadda loogu ogolaaday Gobalka Banaadir.
Md. Salmaan waxaa uu yiri “Aniga oo ku hadlaya afka Bulsho weynta Banaadiriga waxaan soo dhoweyneynaa go’aankan taariikhiga ah ee matalaadda loo ogolaaday Banaadir, waxaana filayaa in xaqaas lagu tixgaliyo dadka Banaadiriga ee gobalka iska leh, waayo anaga ayuu naga maqnaa, oo xaqna u leh in aan Banaadir matalno”

Sujaaco Mahdi Maxamuud  (Filsan Qaali) oo ah Guddoomiyaha Haween weynaha Beelaha Banaadiriga oo shirkaas ugu qeyb gashey Aaladda fogaan aragga (Zoom) ayaa sheegtay in uu muuqdo ifafaale rajo oo ah in ay Soomaaliya ka baxeyso caddaalad darada ay ku jirtay.

“Waxaa ina gashay Rajo weyn oo ah in caddaalad daradii dhamaatay mar haddii uu gobalkeena helayo Matalaad, waxaan ku baaqayaan in matalaaddaas aan Dadka Banaadiriga ah ee xaqa u leh aan lagu faragalin doonin, anaga oo ogol in dadka nala dega aan xaquuqdooda ka siin doonno”

Kusimaha Guddoomiyaha Golaha Isbedeldoonka Banaadiriga Md. Axmed C/Casiis Maxamed Almakhzuumi oo shirka ka hadlay ayaa ansixinta xubnaha matalaadda Banaadir ku tilmaamay go’aan taariikhi ah.

“Waa taariikh xusid iyo bogaadin mudan, waana maalin taariikhi ah mar haddii dulmigii ahaa in dadka Gobalka Banaadir matalaad la’aantoodii la so oaf jaray, waxaana arrintaas uga mahadcelineynaa Baarlamaanka Soomaaliyeed, Madaxweynaha Soomaaliya iyo guddoonka Baarlamaanka intaba” ayuu yiri Axmed C/Casiis

Ugu danbeyntii waxaa shirkaasi laga soo saaray go’aanada soo socda

  1. Bulshada Banaadiriga ee leh Gobalka Banaadir waxay soo dhoweyneysaa go’aanka taariikhiga ah ee xaqa matalaadda gobalka Banaadir, kaas oo Meesha ka saaraya caddaalad daradii siyaasadeed ee ay horey ugu kaceen Madashii Hoggaamiyeyaasha Qaranka ee 2016 go’aamisay in la qadiyo gobalka Banaadir
  2. In Xubnaha loo ansixiyey Gobalka Banaadiri ay 50% ay xaq u leeyihiin dadka Banaadiriga, 50% soo hartayna ay wadaagi doonaan dadka la dega gobalka Banaadir.
  3. In dhammaan Maamul Gobaleedyada xilliga soo socda ee doorashada ah xaquuqda ka maqan siiyaan guud ahaan beesha shanaad, gaar ahaanna beesha Banaadiri oo degta dhammaan maamul gobaleedyada, Gaar ahaanna Koonfurgalbeed, Jubbaland, Hirshabelle iyo Puntland, balse aan wax matalaad ah aan lagu siin, waxaanna codsaneynaa in caddaalad darradaas Meesha laga saaro.

Wabillaahi Towfiiq
Cumar Shariif Jeeg
Guddoomiyaha Golaha Xaq Udirirka Banaadiriga