Cali Maxamed GEEDI oo warbixin cajiib ah ka qoray xaqsiinta gobolka Banaadir

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cali Maxamed Geedi oo warbixin qoraal ah soo saaray ayaa si qoto dheer uga hadlay ansixintii xeerka matalaadda gobolka Banaadir, isaga oo u mahadceliyey Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Geedi ayaa go’aanka baarlamaanka Soomaaliya ku tilmaamay inuu yahay mid baal dahab ah ka galay taariikhda gobolka Banaadir iyo guud ahaan Qaranka.

Sidoo kale wuxuu boggaadiyey doorkii madaxweynaha Soomaaliya ee ku aadanaa xaqsiinta gobolka Banaadir.

Ra’iisul wasaarihii hore ayaa sidoo kale qoraalkiisa ku sheegay in xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanka looga fadhiyo dhameystirka maqaamka caasimadda Muqdisho.

Halkan hoose ka aqriso:

Golaha Shacabka BFS wuxuu u codeeyey, aqlabiyad buuxdana ku meel mariyey sharciga matalaadda siyaasadeed ee bulshada Soomaaliyeed ee Gobolka Banaadir. Waa go’aan baal dahab ka galay taariikhda Gobolka iyo guud ahaan Qaranka Soomaaliyeed. Waa tallaab geesinimo leh ee uu qaaday Golaha Shacabka BFS uguna hiilliyey muwaadiniintiisa xaqooda dastuuriga ah laga curyaaminayey muddada dheer..

Shacabka sharafta leh ee Gobolka Banaadir iyo Gobollada kaleba waxaa iyagana laga rabaa in ay taageeraan Golaha Shacabka kana difaacaan ciddii isku dayda inay wiiqdo geeddi socodka sharciga iyo hannaanka doorashooyinka dalka ee qof iyo cod ee hoggaaminayo Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka, loogana gudbayo doorasho dadban iyo in masiir ama xaq-siyaasadeed muwaadin uu ku sii jiro gacan shakhsi kale, darajada uu rabo ha lahaadee.

Allaha awoodda leh kaddib, waxaa mahaddaas iska leh Golaha Shacabka BFS oo shalay ansixiyey 13 xubnood ee shacabka Gobolka Banaadir ku matali doona Aqalka Sare ee BFS.

Si ka sarreysa, qaddarin iyo mahadcelin aan la koobi karin waxaa leh Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo furitaankii kalfadhigii 7aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya (06.06.2020) uga dhawaaqay hindisaha matalaadda shacabka Gobolka Banaadir, si qiiro lehna uga codsaday inuu ku xurmeeyo kana aqbalo, taasoo Golaha Shacabka BFS uu hoosta la xarriiqay fuliyeyna. Madaxweyne Farmaajo oo gudanaya waajibkiisa dastuuriga ah, kana jawaabaya rabitaanka dadkiisa, ayaa u bareeray oo dhigay sumad ama rikoodh (record) ay dhigi waayeen Madaxweyneyaashii ka horreeyey.

Ugu dambayntii, shacabka Banaadir iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeedba waxay baarlamaanka uga fadhiyaan dhamaystirka maqaamka caasimadda Muqdisho oo ah gool kale oo dhalintiisa laga sugayo Goleyaasha Qaranka iyo Madaxweynaha JFS.