Xasan Sheekh oo shaaciyey arrin laga damacsan yahay warbixintii Xaliimo Yareey

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo goor dhow shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa kaga hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan arrimo la xariira doorashooyinka 2020 illaa 2021-ka.

Xasan Sheekh ayaa soo hadal qaaday warbixintii guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka ee ay shalay dhageysteen xildhibaanada Golaha Shacabka, isaga oo dhaliilay warbixintaasi oo lagu soo aadiyey xilli adag oo lagu jiro kala guur.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in warbixinta guddiga ay u hoosaasineyso muddo kordhin riman muddo kordhin kale, sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa shaaciyey in laga gaabiyey arrimaha doorashooyinka, islamarkaana Farmaajo uusan sameyn dadaalkii looga baahnaa.

Dhinaca kale wuxuu soo dhoweeyey go’aankii baarlamaanka Soomaaliya ee ansixina matalaadda gobolka Banaadir, isaga oo xusay in tallaabo wanaagsan oo boggaadin mudan ay qaadeen xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya.

Ugu dambeyn Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo jeediyey in dowladda federaalka ah ee Soomaaliya laga rabo in y tilmaado qorshe cad oo ku aadan doorashada 2020/2021-ka, wuxuuna carabka ku adkeeyey in aysan marnaba aqbali doonin wax muddo kororsi ah.