QM iyo Midowga Yurub oo war kasoo saartay hadalkii gudoomiye Xaliimo Yareey

Muqdisho (Caasimadda Online) – Qaramada Midoobey ayaa soo dhoweysay hanaanka doorasho oo ay soo bandhigeen guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka oo ay hogaamineyso Xaliimo Yareey, kaasi oo lagu gaarayo doorashada tooska ah ee Soomaaliya ilaa bilowga bisha Maarso ee sanadka soo aadan.

QM waxey dhinacyada Soomaalida ku boorisay in la yeesho wadatashi dhexmara hogaamiyayaasha siyaasadda si loo tiigsado wadar-ogol, sidii horay loogu sii dhaqaaqi lahaa iyo shirka la filayo inuu dhexmaro dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada.

Dhanka kale, Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicholas Berlanga ayaa ugu hambalyeeyay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaran, isagoo ku adkeeyay baahida loo qabo is afgarad siyaasadeed oo ku saleysan mabaa’diida la isku raacay in la furo saaxada siyaasadda, laga soo bilaabo min xulasho illaa doorasho, iyo doorashada waqtigeeda.

Hadalkaan ayaa kusoo aadaya xilli Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaran Xaliima Ismaaciil Ibraahim (Xaliima Yarey) ay shalay Baarlamaanka ka hor-jeedisay warbixinta doorashada 2020/21, kaasoo ahaa mid la wada sugayay.

Guddoomiye Xaliima Yarey ayaa caddeysay in doorashada habka diiwaan gelinta ay ku dhici karto muddo 13 bilood gudahood laga bilaabo bisha July 2020 illaa bisha Agosto 2021.

Waxaa ay sheegtay doorashada nooca diiwaan gelinta aysan ku qabsoomi karin bisha November ee sanadkan oo ah xilliga Baarlamaanka waqtigiisa dhamaanayo,

Sidoo kale waxaa ay xustay in doorashada ku dhaceysa hab diiwaan gelinta ay ku dhici karto illaa bisha Agosto 2021.