Xisbiga Sahan ee Guuleed oo caddeeyey mowqifkiisa doorashooyinka 2020/21

Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiga Sahan ee uu hoggaamiyo Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa qoraal uu soo saaray ku caddeeyey mowqifkiisa ku aadan qabashada doorashooyinka 2020/2021. Hoos ka aqriso qoraalka xisbiga.

MAWQIFKA XISBIGA SAHAN EE KU AADAN QABASHADA DOORASHOOYINKA  2020/2021

Xisbiga Sahan markuu u kuurgalay hadal jeedintii GMDQ ee kulankii golaha Shacabka taarikhdu markay ahayd 27 Bisha June 2020 , Warbixinta Guddiga waxa lagu sheegay  in aanay doorasho qof iyo cod ah ku qabsoomi Karin  muddo xileedka u hartay dawladda talada haysa.  Iyagoo dhanka kale gudigu  si dooarasho qof iyo cod ah loo qabto uu guddigu soo gudbiyay laba hab  oo lagu diiwaangalin karo codbixiyayaasha doorashadana ay ku qabsoomi karto kuwaas oo kala ah :

  1. Doorasho ku dhacda habka diiwaan gelinta electronica ee loo yaqaan (biometric) oo leh kayd iyo kalsooni , taas oo ku dhici karta muddo 13 bilood gudahood laga bilaabo bisha July 2020 illaa bisha August 2021.
  2. Doorasho ku dhacda habka diiwaangelinta gacanta (manual voter registration) oo aan lahayn kayd iyo kalsooni midna taas oo ku qabsoomi karta ilaa bisha July 2020 ilaa March 2021.

CAQABADAHA KU XEERAN SOO JEEDINTA GUDDIGA DOORASHOOYINKA EE QABASHADA DOORASHO QOF IYO COD AH

  • Khilaafka hareeyay Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee ku aadan hab raacyada sharciyeed iyo midka wadahadal ee loo abaaro doorashada Qaran ee loo madlanyahay.
  • Ilaa hadda GMDQ waxa uu warbixintiisa u gudbiyay oo hortegay golaha shacabka kaliya , walina ma hortegin aqalka sare sida ku cad fariinta qodobka 53 aad ee doorashooyinka wuxuu ku farayaa guddiga inuu warbixintiisa ka horjeediyo labada aqal ee baarlamanka si wada jir ah .
  • Soo jeedinta waqtiga kooban qaadaneysa ee qabashada doorasho ku dhisan habka diiwaan gelinta gacanta ee codbixiyaha oo ilaa bisha March ee sanadka 2021 ku qabsoomi karta maaha mid maangal ah oo waa hab aan la aamini Karin , laguna kalsoonaan karin hufnaanta natiijada doorashada iyo cod bixinta intaba.
  • Hubaal la’aanta ka jirta in doorasho xor ah oo xalaal ah lagu qaban karo muddo 13 bilood ah ee soo jeedinta labaad, marka la eego caqabadaha farsamo, Qalab, dhaqaale, siyaasadeed iyo amni ee ku xeeran hawlaha qabashada doorasho qof iyo cod ah.
  • Khilaafka iyo is af-garashawaaga siyaasadeed ee u dhexeeya dawladda federaalka iyo dawlad goboleedyada oo aan wali xalismin.
  • Saamileyda siyaasadeed ee dalka oo ilaa haatan ku qanacsaneyn hanaan ay u socdaan arimaha doorashooyin, wax talo ahna aan ku laheyn.

Haddaba Xisbiga Sahan asagoo ka duulaya duruufaha sharci, Amni, siyaasadeed, dhaqaale iyo farsamo ee ku xeeran qabashada doorasho qof iyo cod ah, taas oo ku dhacda mudadeedii dastuuriga aheyd,  waxuu soo jeedinayaa qodobadaan soo socda:

  1. In ay lagama maarmaanta tahay in doorashooyinka ay ku qabsoomaan mudadii xileedka dastuuriga ah, oo aan marnaba la aqbali karin wax muddo kordhin ah, taas oo wadanka galin karta qalalaase siyaasadeed iyo mid amni intaba.
  2. In Golaha Shacabku uu garwaaqsado xaaladda xasaasiga ee siyaasadda dalka marayso iskana ilaaliyo maraxaladaan inuu soo saaro go’aamo ama xeerar khatar gelinaya dawladnimada oo ka kooban Dawladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada.
  3. In maadaama gudiga doorashooyinka uu cadeeyay inuusan doorasho qof iyo cod ah xiligeedii dastuuriga aheyd ku qaban karin, waxaa lagama maarmaan ah in arimaha doorashooyinka ee ku aadan nooca doorasho ee la qaban karo iyo sida loo qaban karaba ay si wadajir ah go,aan siyaasadeed oga gaaraan saamileyda siyaasadeed ee dalka kuwaa oo kala ah dowladda dhexe, dowlada gobaleedyada iyo xisbiyada siyaasadeed ee mucaaradka ah.
  4. In dhammaan arrimaha ay isku hayaan aqalka sare iyo golaha shacabku si deg deg ah loo dhameeyo , ayna labada gole garwaaqsadaan in aanay habboonayn inay khilaaf iyo isqabqabsi ku khatimaan muddo xileedkooda , ayadoo danta guud la eegayo.

Mahadsanidiin
Guul iyo Gobanimo