Madasha Xisbiyada Qaran oo dalbatay inay is-casilaan guddiga doorashooyinka

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madasha Xisbiyada Qaran ee Soomaaliya ayaa ku baaqay inay is-casilaan dhammaan xubnaha guddiga madax-banaan ee doorashooyinka qaranka Xaliimo Yarey, kadib markii ay sida ay sheegeen ay ku fashilantay shaqadii loo igmaday.

Qoraal kasoo baxay Madasha ayaa lagu yiri “Madasha Xisbiyada Qaran waxay caddeyneysaa in hadal-jeedintii Guddiga 27/06/2020 golaha shacabka ee ahaa ineysan qaban karin doorasho waqtigeeda ku dhacda uu xambaarsanaa kaliya hadafkii muddo kororsiga ahaa ee GMDQ iyo Hoggaanka dalku kawada shaqeynayeen muddooyinkii dambe oo ay Madashu dhawrjeer ka digtey.”

Madasha waxay sheegtay in guddiga doorashada aysan ahayn dhexdhexaad Madax banaan sida dastuurku siiyay ayna ku milmeen hoggaanka dalka kalana shaqeynayaan muddo dheereysi ka baxsan dastuurka iyo sharciga doorashooyinka dalka.

War-saxaafadeedka ay soo saareen Madasha Xisbiyada Qaran waxey guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka ugu baaqeen iney is casilaan, tiiyoo ay jirto inaan gabi ahaan lagu soo hadal qaadin go’aankii ay Baarlamaanka ku ansixiyeen matalaadda gobolka Banaadir.

“Madashu waxey ku baaqeysaa in Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinku dhamaantood is casilaan mar hadii ay lumiyeen kalsoonidii shacabka iyo saamileyda siyaasadeed ayna caddaatey iney ku milmeen hoggaanka dalka isla markaana ku fashilmeen qabashada doorasho qof iyo cod ah kuna dhacda waqtigeeda dastuuriga ah,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Madasha ayaa sidoo kale sheegtay inaysan marnaba aqbali doonin muddo kordhin loo sameeyo hay’adaha dowladda.

“MXQ ku wargalineysaa hoggaanka dawladda, dhamaan umadda Soomaaliyeed iyo cidkasta oo daneysa geeddi socodka siyaasadda Soomaaliyeed inaan la aqbali karin muddo dheereysi aan sharci ahayn. Sidaasi darteed, waxii dhibaato ah ama dib udhac ah ee dalka kasoo gaara ka tallaabsiga dastuurka dalka iyo isku dhajinta kursiga waxaa masuuliyaddeeda qaadi doona hoggaanka dalka,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Halkan hoose ka aqriso qoraalka Madasha