Xog: Go’aanka lagu ansixiyey xuquuqda G/Banaadir oo sababi kara burburka shirka madaxda DF iyo maamulada

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo horay ay u jireen qeyla dhaan iyo codsiyo ka imanayay madaxda maamul goboleedyada Jubbaland iyo Puntland oo ku aadan in baarlamaanku joojiyo xeerarka iyo sharciyada maalmihii lasoo dhaafay deg deg-ta ay ku ansixinayeen, ayaa waxaa xiisad kale sii abuuray xeerkii u danbeeyay ee baarlamaanka ku meel mariyay madalaada gobolka Banaadir uu ku yeelanayo aqalka sare 13 xubnood.

Ansixinta xeerkaan ayaa muuqata inuu sii kala fogeynayo madaxda dowladda iyo madaxda maamul goboleedyada oo 22-kii bishaan ku kulmay aalada Internet-ka laguna balamay kulan fool ka fool ah, oo looga hadli doono wixii caqabad ah ee jira.

Kullankii 22-kii bisha oo madaxda DF iyo kuwa maamul goboleedyada ay isla garteen in dib loo dhigo ka doodista iyo ansixinta xeerarka baarlamaanka ka socda, loona xil saaray Madaxweyne Farmaajo inuu hakiyo doodaha seddaxda xeer ee baarlamaanka ansixiyay.

Sidoo kale, qodobadoo ay dalbadeen madaxda maamul goboleedyada ee la iska gartay ayaa waxaa ka mid ahaa in dib loo dhigo warbixinta guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka oo ugu danbeyntii guddoomiye Xaliimo Yareey ku iclaamisay xiliga ugu haboon ee doorashada qabsoomi karto, tallaabadaasi oo sii hurineysa inuusan qabsoomin shirka madaxda maamul goboleedyada iyo madaxda dowladda.

Warar aan helnay ayaa sheegaya in madaxda Puntland iyo Jubaland laga yaabo inay maalmaha ama saacadaha soo socda ku dhowaaqeen inay qaadacaan kulanka uu iclaamiyey Farmaajo shanta bisha July.

Waxaa hadda soo baxaya baaqyo iyo mucaarado laga horgeeyay go’aanka baarlamaanka, kuwaasi oo ay wadaan xildhibaano kasoo jeeda maamulada Puntland iyo Jubbaland, taasoo muujineysa in carqalad ama ay adkaanto doonto inuu qabsoomo shirka madaxweynaha ku baaqay oo la filaayo inuu qabsoomi doono 5 ilaa 6 bisha July.

Xildhibaanada Puntland iyo Jubaland ayaa marnaba wax u ogoleyn dadka iyo beelaha Muqdisho dega, taasi oo hadda ay banaanka soo dhigteen, hase yeeshee ma cadda waxa ay sameyn karaan.

Aqalka Sare ayaa waxaa ugu badan beesha Daarood oo haysata 17 kursi, halka Dir iyo Hawiye ay haystaan min 14, ayada oo Digil iyo Mirifle ay haystaan 8, beeshan shanaad ay ay haysato kaliya hal.