Xildhibaanno ka carrooday xuquuqda uu helay gobolka Banaadir oo Puntland ugu baaqay inay dalka ka go’do

Garoowe (Caasimada Online) – Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada Puntland oo ka carooday Go’aankii Xildhibaannada Golaha Shacabka Soomaaliya ay ugu ansixiyeen Gobolka Banaadir in uu 13 Xubnood ku yeesho Aqalka Sare ayaa sheegay inay ka codsanayaan Xukuumadda Madaxweyne Deni ee Puntland in ay ka ku dhawaaqdo madax-baani.

Hadalkooda ayaa yimid kadib markii xildhibaanada kasoo jeeda beesha Harti Daarood ee  u jira baarlamanka Soomaaliya ay ku fashilmeen isku daygii ay ku hor-istaagi lahaayeen xuquuqda gobolka Banaadir.

Xildhibaannada Golaha Wakiilada Puntland oo maanta Saxaafada kula hadlay Magaalada Garoowe ayaa waxaa ay sheegeen in magaalada Muqdisho ay markii hore u aqoon sanaayeen goob daka lagu dilo laguna dhaco, hase yeeshee haatan ay noqotay mid Sharciga lagu dhaco, sida ay hadalka u dhigeen.

Sidoo kale waxa ay sheegeen in Xeerarka doorashada oo ay qaarkood ansixiyeen Xildhibaannada Golaha Shacabka aysan aqoonsaneyn, waxaana ay sheegeen inay Puntland tashan doonaan go’aanana soo saari doonaan.

Waxaa ay sheegeen in Magaalada Muqdisho ay tahay magaalo Soomaaliyeed, balse ay u muuqato mi dad gaar ah xigsanayaan, waaana ay ku eedeeyeen dowladda federaalka, maamulada Galmudug, HirShabelle iyo Koonfur Galbeed inay faquuqayaan Maamulada Puntland iyo Jubaland, sida ay hadalka u dhigeen.

Aqalka Sare ayaa waxaa ugu badan beesha Daarood oo haysata 17 kursi, halka Dir iyo Hawiye ay haystaan min 14, ayada oo Digil iyo Mirifle ay haystaan 8, beeshan shanaad ay ay haysato kaliya hal.

Hoos ka dhageyso codadka xildhibaanada Golaha Wakiilada Puntland