Xasan Sheekh Maxamuud: Madaxweyne Farmaajo laba arrinba waa lagu kari la’yahay

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku eedeeyey madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo inuu diidan yahay oo lagu kari la’yahay laba arrin oo waa weyn oo muhiim u ah geedi socodka siyaasadeed ee dalka.

Xasan Sheekh oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa labadaas arrin isaga oo ka hadlaya wuxuu yiri “Madaxweyne Farmaajo waxaa si aan qarsoodi lahayn u diiddan yahay nidaamka federaalka ee ay Soomaalida cusub ku heshiisay iney dib ugu dhisato dowladnimadeeda.”

“Wuxuu sidoo kale diidan yahay qabashada doorasho heer qaran ah oo heshiis lagu wada yahay si loo helo kalsoonida heer labaad ee federaalka oo kala ah dowlad-goboleeyada iyo midda saamileyda kale sida xisbiyada siyaasadeed iyo guud ahaanba kalsoonida shacabka Soomaaliyeed.”

Xasan Sheekh ayaa sheegay in la joogo waqtigii ay dhici lahayd doorashada qaran ee xilli-xileedka hay’adaha dastuuriga ah ee heer federal, hase yeeshee guddiga doorashada ay wadaan muddo kordhin rimma.

“Madaxweynaha iyo xukuumaddiisa waxay muddo dheer ku faanayeen iney wada joogeen muddo ku dhaw AFAR sano. Hase yeeshee maalin ka mid ah muddadaas madaxweynuhu kama hadlin wax doorasho la yiraa. Haddaba, ninkii doorasho laga sugayay ee aan ka hadlin muddadaas dheer sow shalay afkiisa af aan ahayn looguma hadlin?,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

“Madaxweynaha JFS, waxaan ugu baaqayaa inuu dhago laab u daloola ku dhageysto baaqeyga: 1 – Waqti ayaa horay dalka iyo dadka uga soo lummay ee fadlan mid kale ha kasii luminin. 2 – Waqtiga yar ee ka haray xilli-xileedkaaga hal arrin ayuu ku filan yahay. Kaas oo ah inaad u istaagto in doorashada loo helo heshiis siyaasadeed si awoodda xukunka si nabad ah loola kala wareego ama si sharci ah mar kale laguugu soo doorto.”