Maxaa saldhig u ah hababka doorasho ee la shaaciyey?

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo Sabtigii hortagay Baarlamaanka Faderaalka Soomaaliya ayaa soo bandhigtay laba nooc oo ay u dhici karto doorashada soo socoto, iyaga oo sheegay in nooca ku xusan sharciga doorashooyinka ee dhawaan uu saxiixay Madaxweyne Farmaajo uu yahay mid waqti iyo kharash badan u baahan.

Guddiga ayaa cadeeyay in nooca diiwaangelinta codbixiyaha ay noqoto habka casriga ah ee Biometric-ga, kaas oo uu saxiixay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo u baahan lacag dhan $69,670,725.

Hadaba Maxaa saldhig looga dhigay qorshahaan?.

  • In la helo shuruuc doorasho oo la fulin karo laguna heshiiyay.
  • In isku mar la qabanayo doorashooyinka labada aqal
  • In diiwaangalinta codbixiyaha la qabanayo ka hor doorashada
  • In la samaynayo 500 xarun codbixineed
  • In ay codeynayaan qiyaasta 3 milyan oo codbixiye
  • In laga codeynayo 5,000 goob codbixineed.
  • In halkii goob ay ka codeyn doonaan ugu badnaan 600 oo codbixye
  • In hal maalin codeyntu dhacayso
  • In uu diyaar yahay dhaqaale ku filan doorashada ayna bixiyaa dawlada Soomaaliya

iyo deeq bixiyeyaasha caalamiga ah.

  • In la isticmaalo qandaraaslihii hore loo sameeyay ee laga iibin lahaa qalabka

diiwangalinta loo isticmaalayo ee (Biometric) kaas oo qandaraaskiisa ku eg bisha

Luulyo 2020.

  • In Miisaaniyad gaar ah ah loo diyaariyo sugida amniga doorashooyinka

Kan labaad ee Guddigu soo bandhigay Waa habka diiwaangelinta gacanta ee isla maalinta codbixinta, kaasoo dadka codkooda dhiibanaya lagu diiwaangelinayo gacanta isla maalinta codbixinta iyada oo la adeegsanayo diiwaan qoraal ah.

Qaabkaan ayaa waxaa ku baxaya lacag dhan $46,192,389 taas oo ka yar lacagtii ku baxaysay diiwaan galinta qaabka casriga ah.

Maxaa saldhig u ah qorshaha 2 aad ee diiwaan galinta gacanta?

  • In wax laga baddalo sharciga doorashooyinka sida uu hadda u qoran yahay.
  • In isku mar la qabanayo doorashooyinka labada aqal ee baarlamaanka.
  • In diiwangalinta codbixiyaha la samaynayo maalinta codbixinta.
  • In la samaynayo 500 xarun codbixineed.
  • In ay codeynayaan qiyaasta 3 milyan oo codbixiye.
  • In laga codeynayo 5,000 goob codbixineed.
  • In halkii goob ay ka codeyn doonaan ugu badnaan 600 codbixye
  • In codeyntu soconayso maalmo badan
  • In uu diyaar yahay dhaqaale ku filan doorashada ayna bixiyaa Dawlada Soomaaliya

iyo deeq bixiyeyaasha caalamiga ah.

  • In Miisaaniyad gaar ah ah loo diyaariyo sugida amniga doorashooyinka

Labadan hab doorasho oo kiiba u baahanyahay waqti iyo qarash kala badan ee uu soo bandhigay guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka ayaa waxaa taageeray Xubanaha beesha Caalamka ee Soomaaliya ku sugan.

Madaxweynayaashii hore ee dalka iyo siyaasiyiinta Mucaaradka ayaa dhankooda diiday qorshahaan iyaga oo guddiga u baaqay in ay iscasilaan,arintaana salka ku hayso mudo kororsi ay gadaal ka riixayso Madaxda Dowladda Faderaalka Soomaaliya.

Marka lagaaro xilligaan oo kale waxaa Magaaladda Muqdisho ku soo laabta siyaasiyiinta Magaca ku leh Soomaaliya, waxaana bata eedaymaha iyo isku jawaabida siyaasiyiinta sida caadada u ah Siyaasada Soomaaliya oo mudo burbur ku jirtay balse xalku waxa uu ku jiraa wada hadal iyo isqancin dhexmarta.

Soomaaliya ayaa la filayaa in ay ka dhacdo codbxintii ugu horreysay ee dimuqraadi ah muddo 50 sano kabadan. Xisbiyo badan oo si kumeelgaar ah loo diiwaangeliyay ayaa doonaya in ay u tartamayaan doorashadaasi baarlamaaniga ah.