Video: Farqiga u dhaxeeya hadalkii Deni ee maqaamka Muqdisho iyo ololaha uu hadda ka wado Xamar

Garowe (Caasimada Online) – Khudbadii madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni uu ka jeediyey shirkii wadatashiga Puntland ee 15-kii bishii Maarso ee sanadkan lagu qabtay magaalada Garowe, ayaa waxa uu ku soo hadal qaaday maqaamka magaalada Muqdisho.

Xilligaas Madaxweyne Deni waxa uu ku af-gobaadsanayey in hadii ay yihiin reer Puntland ay dhibeyso in maqaamka Muqdisho uu ku jiro dood aan dhamaaneyn. (Hoos ka daawo muuqaalka)

Sidoo kale Deni waxa uu shirkaas ka sheegay in Puntland ay diyaar u tahay marti-gelinta shir looga tashanayo qodobada ay doodaha adag hareeyeen, kuwaas oo uu markaas ka xusay maqaamka Muqdisho.

“Waxaan jecelahay in maanta aan halkan ka sheego, in Puntland ay diyaar u tahay inay marti-geliso qodobada aadka looga dodo oo mar walba soo noq-noqda oo la yiraahdo maqaamka Muqdisho, in Garowe looga hadlo, Muqdisho waa magaalo madaxda Soomaaliya. Waa magaalada astaanta u ah qaranka Soomaaliyeed, maqaamkeedu inuu dood aan dhamaaneyn ku jiro aadbey noo dhibeysaa xaqiiqdii,” ayuu yiri madaxweynaha Puntland seddax bilood ka hor. Waa maalinkii lasoo gabagabeeyay shirkii Garowe ee 17-kii Maarso.

Haatan oo Muqdisho loo ansixiyey in markii ugu horeysay metelaad ku yeelato golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxay arrintaasi dhakafaar ku noqotay xukuumadda iyo metelayaasheeda heer federaal ee Puntland.

Inta badan ola-olaha looga soo hor jeedo metelaadda ay xildhibaanada golaha shacabka u ansixiyeen Muqdisho, waxaa wada xildhibaanada iyo wasiirrada ku jira dowladda federaalka ee kasoo jeeda Puntland.

Dooda xubnahaan Puntland ku metela heer federaal, waxay u badantahay in hadii la kor dhinayo 54-ta senator ee golaha Aqalka Sare, metelaadna laga siinayo gobolka Banaadir, ay muhiim tahay in wax laga bedelo habraaca ku xusan cudubka 15-aad ee dastuurka dalka, gaar ahaan qodobkiisa 132-aad, 133-aad, iyo qodobada ku jira cutubka 6-aad ee 79-aad, 63-aad iyo 71-aad ee dastuurka. Sida ay ku cadeeyeen war-saxaafadeed xalay ka soo baxay.

Wararku waxa ay sheegayaan in ola-olaha xubnahan Puntland ku metelada dowladda federaalka ee ka hor yimid in Muqdisho metelaad hesho, uu gadaal ka riixayo madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni, sidoo kale Deni waxay arrintan isku aragti ka yihiin dhigiisa Jubbaland Axmed Madoobe, waxaana loo tiirinayaa in doodoodu ay ku saleysantahay, sad bursi xaga nidaamka 4.5-ka ah.

Axaddii shalay kulan ay isugu yimaadeen xildhibaanada baarlamaanka Puntland waxaa looga dooday ansixintii xildhibaanada golaha shacabka heer federaal ee metelaada Muqdisho, taas oo ogolaaney in 13 xubnood Muqdisho loogu daro golaha Aqalka Sare.

Qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Puntland oo ka carooday go’aanka golaha shacabka ee xaqsiinta Muqdisho, oo kulankoodii kadib warbaahinta kula hadlay Garowe ayaa Xukuumadda Madaxweyne Deni ee Puntland ka codsaday inay ka ku dhawaaqdo madax-baani ah, inay Puntland ka go’do Soomaaliya inteeda kale.

Hoos ka daawo muuqaalka Deni