Aqri: Maxaad kala socotaa qodobada muhiimka ah ee looga doodayo kulanka BF

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta lagu wadaa in Xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa kulan ku yeeshan magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa waxaa habbeenimadii xalay lagu wargaliyay in maanta uu qabsamayo kulanka isla markaana looga doodayo amniga Muqdisho oo faraha ka sii baxaya.

Xildhibaanada ayaa si qoto dheer uga doodi doona amniga magaalada Muqdisho oo waayadani ahaa mid gaaray heerkii ugu xumaa kadib dilal iyo qaraxyo lala beegsaday mas’uuliyiin kala duwan.

Xildhibaanada ayaa kulankoodii ugu dambeeyay ay ku yeeshaan magaalada Muqdisho waxa ay sheegeen kahor inta aysan guda gelin sharciyada kale ee horyaalla baarlamaanka inay muhiim tahay inay ka hadlaan ammaanka magaalada Muqdisho.

Xildhibaanada ayaa maanta go’aan ka gaaraya sida xal loogu heli lahaa, islamarkaana hay’adaha ammaanka loogula xisaabtami lahaa dhacdooyinka amni daro.

Xildhibaanada waxa ay sidoo kale ay ka doodayan kontoroolada ku yaalla agagaarka madaxtooyada oo gaadiidka dowladda ay wataan lagu weydiiyo aqoonsiyo iyada oo askariga fadhigiisa loogu keenayo aqoonsiga si uu u arko, kadibna uu u sii daayo gaariga.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa maalmahan dambe wuxuu noqday mid aan la isku haleyn karin kadib markii habeen kahor Muqdisho lagu dhaawacay xildhibaan Maxamed Mursal Maxamed (Boorow), markii uu ku qarxay gaarigiisa oo loogu xiray miinada nuuca dhejiska.

Dhinaca kale, kulamada baarlamaanka ee soo socda ayaa waxaa sidoo kale looga doodi doonaa arrimo kale oo muhiim ah waxaana lagu wadaa in fadhiyada baarlamaanka uu qeyb ka noqdo Mooshin.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com