3 QODOB oo muujinaya in Aqalka Sare uu daacad ka ahayn dhex-dhexaadinta DF iyo maamullada (Aqri)

Soomaali ayaa hore u tiri “Baahida Ragbaa Kula Daydayi daalna kaa badane, aan doonahayn in aad heshaa daa’in abidkaaye! “ – Waa murti ay adeegsadaan Soomaalida marka ay rabaan in ay banaanka keenaan LABA WAJIILEYNTA! Aniguna waxaan u adeegsadan doonaa qormadan kooban ee aan ku eegayo laba wajiileynta golaha Aqalka Sare ee dowladda Federal-ka Soomaaliya oo sida ay sheegeen wada dhaq dhaqaaq ay ku heshiisiinayaan dowladda dhexe iyo dowlad obolleedyada xubnaha ka ah.

Tallaabadan xubnaha Aqalka Sare ku sheegeen in ay ku dhexdhexaadiyan Dowladda Federal-ka iyo maamul goboleedyada ayaa ku soo aadaysa xilli ay  maamul gobolleedyadu xumeeyeen xiriirkii ay la lahaayeen dowladda dhexe.

Hadaba, waxa ay weydiin ka taagan tahay dhexdhexaadnimada Aqalka Sare!

Saddexdan Qodob ee hoose ayaan ku soo koobi doonaa sida aysan daacad uga ahayn Aqalka Sare u gar qaadidda dowladda dhexe iyo kuwa sheegay in ay xiriirkii u jareen.

1 – Tallaabaddii Foosha xumeyd ee ay qaadeen maalintii la furayey kalfadhigii afraad ee baarlamaanka

Aqalka Sare waxa uu ku dhaqaaqay tallaabo aad niyad jab u ahayd maalmo kaddib markii maamul obolleedyada ay hakiyeen wadashaqeyntii ay la lahaayeen dowladda dhexe.

Hore waxaa caado u ahayd in marka la furayo Golaha Shacabka ay Iyana soo xaadiraan kuwa Aqalka sare waxaana halkaas khudbad uga jeediya madaxweynaha Soomaaliya oo si rasmi ah u fura kalfadhiyada baarlamaanka.

Hase ahaatee, markan wey ka duwanayd, oo Aqalkii Sare kama soo qeybgalin kalfadhigii sida wadajirka ah loogu furi lahaa baarlamaanka.

Taas waxa ay muujiyey in ay taageereen go’aankii maamul gobolleedyada ee ay ku hayeen wadashaqeyntii kala dhexeysay dowladda dhexe.

Sidoo kale waxa ay sheegeen in ay uga baaqsadeen ka soo qeybgalka kalfadhigii baarlamaaka sababo amni awgeed, taas oo ceeb ku ahayd dowladda – ogow, waxaa ka soo qeybgalay kalfadhiga madaxweynaha iyo Raisul Wasaaraha! Iyaga maxaa ku gaar ahaa?

2 – Go’aanka u garqaadidda dowladda dhexe iyo maamul gobolleedyada ciddna kalama tashan

Arritan waa mid kale oo muujineysa in uu Aqalka Sare ku doonayo uga sii daridda xaaladda maadama aysan dowladda kala tashan go’aankaas. Ma jirto meel ay kula kulmeen madaxweynaha ama Raisul Wasaaraha oo ku saabsan dhexdhexaadinta.

3 – Kooxaha mucaaradka ah oo gadaal ka riixaya

Walow uu shaqsi wadani ah yahay wadaxaajoodkana daacad ka noqon karo, waa gudoomiyaha Aqalka Sare ee, Cabdi Xaashi Cadullaahi, hadana rag badan sida Abshir Bukhaari oo ah ku xigeenkiisa ayaa ku hoos jira arrintan waana sababta keeni karta in xaaladda ay uga sii daraan Aqalka Sare.

Abshir Bukhaari waxa uu ka tirsan yahay kooxda Daljir, waana mid ka mid ah mucaaradka ugu weyn ee dowladda. Waxaa la rumeysan yahay in xitaa uu ka awood badan yahya guddoomye aqalka sare, taasi oo tallaabo kasta oo uu qaado ka dhigeysa mid aan daacad ahayn.

W/Q: Cabdullaahi Muxamad Calasow
Muqdisho, Soomaaliya

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid