Madasha Kulmiye oo soo saartay digniin la xiriirta HirShabelle + Sawirro

Asad Cabdullahi MataanBy Asad Cabdullahi Mataan

Nairobi (Caasimada Online) – Kulan muhiim ah oo looga hadlayey xaaladda siyaasadeedv ee maamulka HirShabaelle, islamarkaana ay ka qeyb-galeen qaar ka mid ah waxgaradka kasoo jeeda madashaas ayaa galabta lagu qabtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Kulanka ayaa waxaa soo agaasimay (Madasha Kulmiye) waxaana ka qeyb galay waxgaradka iyo ganacsatada kasoo jeeda HirShabelle, ayada oo laga soo saaray baaq iyo diginin la xiriirta caqabado horseeda burburka maamulka HirShabelle.

Xubnaha ka qeyb-galay kulanka ayaa waxay uga digeen maamulka HirShabelle inaysan ku milmin duufanta siyaasdeed ee dalka ka socota, oo aysan lugaha la gelin xaalad u eg marxaladda adag ee ka taagan Galmudug.

Guddoomiyaha Madasha Kulmiye Cabdullaahi Mahdi ayaa sheegay inay ka go’an tahay inay bad-baadiyaan, kana hortagaan dhibaato kasta oo carqalad u horseedi karta HirShabelle.

Kulanka ayaa waxaa qadka telefonka uga qeb galay Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabelle Cali Gudlaawe, oo xubnaha kulanka ka dhageystay dareenka dadka HirShabelle.