Jowhar (Caasimadda Online) –ย Guddiga Dorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka maamulka Hir-Shabelle ayaa ku dhawaaqay waqtiga la qabanaayo doorashada hogaanka maamulkaas.
Qoraal kooban oo kasoo baxay guddiga ayaa lagu sheegay in si taxane ah loo qaban doono doorashad hoganka mamulka, laga bilaabo is diiwaan galinta madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigenka oo lo qorsheeyay 8-da ilaa 9-ka bishaan.
Waxa xigi doonta musharaxiinta madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigenka oo hadal jeedintoda ay dhaceyso 10-ka bisha November.
Guddiga doorashada waxey sidoo kale shaaciyeen in doorashada madaxweynah iyo madaxweyne ku xigeenka la qabn doono 11-ka November.
Hirshabelle waxey isku diyaarineysaa iney doorato hogaan cusub madaama madaxweynahii hore uu dhawaan iska casilay xilka madaxtinimada, waxaana isha lagu heyn doonaa qofka loo doorto inuu sanadaha soo socdo hogaamiyo Hirshabelle.