Xog: Maxay isku hayaan R/W Rooble iyo Cabdi Xaashi?

Muqdisho (Caasimada Online) – Wali waxaa taagan doodda ku saabsan xubnaha guddiga doorashooyina qaranka iyo heer maamul gobaleed ku matali doono gobollada waqooyi ama Somaliland.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddiyadaan qaarkood magacaabay kadib markii la sheegay in ay soo jeediyeen xubnaha wasiirada ee goballada waqooyi kuna jira Xukuumadda Rooble.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa diiday guddiyadaan, waxa uuna ku tilmaamay sharci darro iyo xagudub ay ku kacday Villa Somalia.

Xukuumada Soomaaliya iyadoo ka duuleysa rabitaankeeda ayey guddigaan u wakiilatay Golaha Wasiirada ee Somaliland ka soo jeeda iyagoo raacay wadadii sanadkii 2016-kii, halka uu diidan yahay Guddoomiye Cabdi Xaashi.

Cabdi Xaashi ayaa qaba in markaas ay sax aheyd maadaama siyaasiinta Somaliland matala ugu weynaa Ra’iisul wasaare ku xigeenkii xiligaas Maxamed Cumar Carte Qaalib, balse hadda la sameeyay Aqal Sare islamarkaana siyaasiinta Somaliland uu ugu sarreeyo Cabdi Xaashi.

“Guddoomiye Cabdi Xaashi waa sax, qolada kalane waxey ku doodayaan waxaan raacnay tii 2016-kii sababtoo ah heshiiskii doorashada ee baarlamaanka laga ansixiyay laguma cadeynin cidda keeni doonta lkn waxaa xaq u leh Cabdi Xaashi maadaama uu isaga noogu sareeyo,” ayuu yiri Ibraahim Iidle Suleybaan guddoomiyihii hore ee Maxkamada sare ee Soomaaliya kana tirsan siyaasiinta waqooyiga.

Lama oga diidmada Sen. Cabdi Xaashi Cabdullaahi Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee BFS saameenta ay ku yeelan karto shaqada guddigaan oo la filayo in ay dhowaan shaqada galaan.