Xog: Maamulka G/Banaadir oo arday badan iskuullada ugu eryey sabab yaab leh

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Gobalka Baanadir ayaa billaabay in ay Iskuulada ka ceyriyaan tobaneeyo kamid ah Ardayda Class-ka 4-aad ee Dugsiga sare kadib markii la sheegay in ay ku dhaceen Imtixaanka tijaabada ah ee Bilaha ah, kaas oo lagu tijaabiyo heerka aqoonta ardayga cashiradii ugu dambeeyay.

Imtixaanka Bilaha ah oo todobaadyo ka hor soo dhamaaday ayaa la sheegay in dhamaan Ardayda dhacday islamarkaana dhigta Iskuulada dowladda ee dhowaan lagu wareejiyay dowladda Hoose ee Xamar la eryay, halka kuwa natiijada hoose ku baasayna loo sheegay waalidiintooda si bisha dambe is-badal wanaagsan la yimaadaan.

Sidoo kale Imtixaanka Bilaha ah ee dhowaan qabsoomay ayaa tijaabo u ahaa heerka fahamka ardayga ee Manhajka cusub ee dowladda oo sanad dusgiyadeedkan si rasmi ah u bilaawday.

Arrintaan ayaa dowladda kaga golleedahay sida la tilmaamay in ay yareyso ardayda ku dhaceysa imtixaanka shahaadiga ah maadaama sanadkii lasoo dhaafay Arday farabadan ay ku hoobteen imtixaankii la qaaday, kuwaas oo u badnaa arday reer Muqdisho ah, taasi oo ka careysiisay shacabka.

Sidoo kale maamulka gobalka Banaadir ayaa la sheegay in ay diyaarinayaan arday aqoon leh oo ka bixi karta Imtxiaanka Qaranka islamarkaana ardayda ku harta Imtixaanka Bilaha ah laga reebi doono Imtixaanka Guud ee Qaranka, si aysan ceeb kale ugu soo hoyan gobolka.

Arintaan ayaa aad loo hadal haayaa goobaha Waxbarashada, waxaana la sheegay in ay hadda socoto doodo arrintaan ku saabsan oo ay waalidiintu ku codsnayaan in markaan loo fasaxo si ay ugu cadaadiyaan in bisha dambe aysan dhicin.