Aqris Magacyada: Guddiga doorashada Guddoonka Aqalka Sare oo la magacaabay

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha ku-meel gaarka ah ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab ayaa maanta magacaabay guddiga doorashada guddoonka Aqalka Sare kadib soo jeedintii ka timid xildhibaanada Aqalka Sare.

Senatorada Aqalka Sare ayaa Maanta kulankii ugu horreeyay ku yeeshay Magaalada Muqdisho, waxaana kulanka Ajendihiisa uu ahaa Warbixinta Guddoomiyaha KMG ah ee ku aadan howlaha horyaalla Senatorada Aqalka Sare Baarlamaanka dowladda.

Guddi ka kooban 6 xubnood ayaa loo magacaabay inay qabanqaabiyaan doorashada guddoonka Aqalka Sare oo ka kooban guddoomiye iyo Laba guddoomiye ku xigeen, waxaana lagu soo xulay hanaan maamul, ayada oo maamul goboleed kasta hal xubin laga keenay, laguna daray xubin ka socota Somaliland.

Magacaabista xubnaha ayaa dedejineysa doorashada guddoonka Aqalka Sare, taasi oo dhabbaha u xaareysa marka ay dhacdo in sidoo kale la qabto doorashada madaxweynaha Soomaaliya. 

Xubnaha Guddiga Doorashooyinka Guddoonka Golaha Aqalka Sare ayaa isla maanta yeeshay kulankoodii koowaad waxayna Senator Aadan Cabdinaasir Maxamed u doorteen Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Golaha Aqalka Sare

Senator Samsam Daahir Maxamuud ayaa iyana loo doortay guddoomiyaha Diiwaan gelinta murashaxiinta Guddoonka Golaha Aqalka Sare, halka Senator Farxaan Cali Xuseen loo doortay Guddoomiyaha Maaliyadda Guddiga Doorashada Guddoonka Golaha Aqalka Sare.

Halkaan hoose ka akhriso magacyada guddiga la magacaabay

1- Sheekh Aadan Cabdinaasir Maxamed ( Koonfur Galbeed)
2-Siciid Cabdi Xuseen (Somaliland)
3- Farxaan Cali Xuseen (Puntland)
4- ZamZam Daahir Maxamuud (Galmudug)
5- Cabdirisaaq Maxamed Cusmaan ( Jubbaland)
6- Zamzam Cabdullaahi Axmed (HirShabelle)