Aqriso: 6 qodob oo uu BF sabab uga dhigay diidmada go’aankii maxkamadda sare

Muqdisho (Caasimada Online) –  Golaha shacabka ayaa kulankiisa maanta go’aamiyay in natiijada doorashada 275-ta 2016-ka ay xalaal iyo kama dambeys tahay, isla markaana aan dib loogu celin doonin.

Codbixin qaraar loogu codeeyay sugidda xubinnimada iyo qaabka lagu waayo kursiga golaha waxaa ogaaday 180 Xildhibaan halka 4 ay ma aamuseen.

Golaha waxaa uu sidoo kale ka hadlay in sababta keliya ee doorashada loogu celin karo ay tahay 6-da qodob.

Qodobada ayaa waxaa kamid ah:

1-Xildhibaanka oo geeriyooda.

2-Xildhibaanka oo ay la soo gudboonaato Xaalad xil gudasho la’aan oo joogto ah.

3-Xildhibaanka oo qabta xil dowladeed oo aan ka ahayn kuwa golaha Wasiirada.

4-Xildhibaanka oo istiqaalo u gudbiya golaha uu ka tirsan yahay lagana aqbalo.

5-Ka maqnaasho labo Kalfadhi oo Caadi ah sidoo kalena ah joogto sabab la’aan.

Qodobada xeerka ah ayaa waxaa Xildhibaanada baarlamaanka Somalia ka hor aqriyay Guddoomiye ku-Xigeenka Baarlamaanka Mahad Cabdalla Cawad.