Aqriso: 8 qodob oo uu ra’iisul wasaaraha cusub sheegay inuu wax ka qaban doono

Muqdisho (Caasimadda Online) – Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku ansixiyay ra’isul wasaaraha cusub ee lasoo doorta, sidaas darteed Maxamed Xuseen Rooble waa ra’isul wasaaraha rasmiga ah ee Soomaaliya.

Maxamed Xuseen Rooble waxaa laga sugi doonaa inuu soo magacaabo gole wasiirro oo wadanka gudbin kara marxaladda kala guurka, kadib dhaarintiisa wuxuu sheegay inuu wax ka qaban doono sideed qodob isagoo heysta wakhti aad u kooban.

Ra’isul wasaaraha cusub wuxuu sheegay inuu wax ka qaban doono marka ugu horreysay arrimaha amniga oo ah tan ugu muhiimsan wakhtigaan in laga shaqeeyo mudan, sidoo kale qodobada uu wax ka qabanayo waxaa ka mid ah Doorashada, Iskaashiga Caalamiga ah iyo Dhab u heshiisiinta.

Sideeda qodob ee Maxamed Xuseen Rooble uu sheegay inuu wax ka qaban doono waxaa ka mid ah:

1 – Arrimaha Amniga
2 – Doorashooyinka
3 – Cadaaladda
4 – Horumarinta dhaqaalaha
5 – Dhab u heshiisiinta
6 – Dib u eegista dastuurka
7 – Iskaashiga caalamiga ah
8 – Dowlad wanaagga iyo la-dagaalanka musuq-maasuqa

Sidoo kale wuxuu ballan-qaaday inuu soo dhisi doono ‘xukuumad tayo leh’ oo dalka ka bixisa marxaladda kala guurka ah ee lagu jiro, taasi oo la fahamsan yahay inay keentay in si aqlabiyad leh lagu meel-mariyo.

Villa Somalia ayaa maalmihii u dambeeyay waday dadaalo ay ku wiiqeyso guux looga soo horjeeday ra’iisal wasaaraha cusub, halka Rooble uu isaga laftigiisu uu kulamo kala gedisan oo gogol xaadh u ahaa ansixintan uu la yeeshay guddoonka iyo xildhibaanada baarlamaanka.

Rooble ayaa kusoo aadaya xili uu dalku marayo marxalad xasaasi ah oo mar horseedi gaartay jahwareer siyaasadeed, hasa-yeeshe ugu dambeyntii laga gaaray heshiis kama dambeys ah oo laga rabo fulintiisa xukuumada uu soo dhisi doono.