Xildhibaanada BF oo cod aqlabiyad leh ku ansixiyey ra’iisul wasaaraha cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada golaha shacabka Soomaaliya ayaa goor dhow si aqlabiyad leh ku ansixiyey Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo xil kaas loo magacaabay 17-kii bishan September ee sanadka 2020-ka.

Kulankan oo ay soo xaadireen illaa 215 mudane ayaa waxaa guddoomiyey afhayeenka baarlamaanka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo ay dhinac fadhiyeen labadiisa ku xigeen ee Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey iyo sidoo kale Mahad Cabdalla Cawad.

Ugu horreyn waxaa kulanka furay guddoomiye Mursal oo xildhibaanada ka hor aqriyey ajendaha kulankan oo ahaa mid gaar ah, laguna ansixiyey Ra’iisul wasaaraha cusub.

Intaasi kadib guddoomiyaha ayaa hadalka ku soo dhoweeyey Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) oo khudbad kooban ka jeediyey xarunta Vill Hargeysa oo uu ka dhacay kulanka golaha shacabka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Ra’iisul wasaaraha cusub uu ku xushay waayo aragnimo, aqoon iyo wadaniyaddiisa oo sarreysa, kadibna wuxuu weydiistay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya inay siiyaan codka kalsoonida ah.

Kadib waxaa la gudaha galay kalsooni siinta Ra’iisul wasaaraha oo ugu horreyn khudbad u jeediyey Golaha, wuxuuna mahad-celin kadib sheegay inuu wax ka qaban doono amniga, doorashada, dhaqaalaha, dowlad wanaaga, cadaaladda, dib u eegista dastuurka, dhab u heshiisiinta iyo iskaashiga caalamiga ah.

Sidoo kale wuxuu ballan qaaday inuu soo dhisi doono xukuumad tayo leh oo dalka ka bixisa marxaladda kala guurka ah ee lagu jiro, kadibna wuxuu ka codsaday codka.

Xildhibaanada ayaa cod gacan taag ah ku meel-mariyey Ra’iisul wasaaraha, waxaana codka kalsoonida ah siiyey dhammaan 215-ka xildhibaad ee kulanka soo xaadiray, sida uu ku dhawaaqay guddoomiyaha Baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya.

Ugu dambeyn Ra’iisul wasaaraha cusub ayaa loo dhaariyey xil-kiisa, iyadoona uu madasha ku sugnaa guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka, Baashe Yuusuf Axmed.