Xildhibaan wacad ku maray in Farmaajo ay ku buuqayaan, hadii uu ka hadlo doorashada

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo maanta la filayo in Madaxweynaha Soomaaliya uu hortato Golaha Shacabka, islamarkaana uu horgeeyo Ra’iisul wasaaraha cusub ee magaacaban ayaa waxaa xildhibaan Cabdi Shire Ciyaar Jecel uu sheegay inay ka soo horjeesan doonaan, haddii Madaxweynaha uu ku soo qaado doorashada.

Ciyaar Jecel oo u warramayey Shabelle TV ayaa sheegay, haddii uu Madaxweynaha isku dayo inuu kala hadlo heshiiska doorashada ay durbaano & wax ka daran ku yeerin doonaan, sida uu hadalka u dhigay.

“Haddii Madaxweynaha isku dayo inuu nagala hadlo arrinta doorashada awal Firimbi ayaa la yeerin jiraye Durbaano iyo wax ka daran baaralamaanka lala soo geli doono oo aan ku yeerin doonaa.” ayuu yiri Xildhibaan Cabdi Shire oo ka tirsan Golaha Shacabka.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay ka soo horjeedaan xildhibaanada qaar heshiiska ay doorashada ka gaareen dowladda dhexe, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Si kastaba ha’ahaatee Sabtida soo socota ayaa la filayaa in xildhibaanada labada Aqal la horgeeyo heshiiskaasi oo saldhig u noqonaya doorashada.